Uncategorized

johannesburg oo aan Laga Aqoon wax jaceyl ah, lacag Ayaana ka Talisa. qormo

johannesburg
iftineducation.com – Waa Magaalo Nolosheeda Ay ku Noolaan karaan Dadka  ku Nool nolosha dabaqadda Sare, Hala Yaabin hana Beeneysan Hadii Dhagahaaga Soo Gaaran Daaraha ugu Quruxda badan Waxa iska leh Soomali, waa magaalo ganacsi, waa Magaalo Dadka Buufiska Haya xarun u ah.

 
Intaasi Waxaa bar bar socda dhalinta guurdoonka ah ee ku   nool magaalada Johannesburg kana duula nolosha dabaqada hoose kuwaasoo ku dhib qaba  dadka ku nool nolosha dabaqadda sare oo ay hal Doon wada Raaci Karin marka uu aqal gal dhacaya.
 
Taana waxaa loo Aaneynayaa gabdhaha Guur Doonka ah ee xiligan ku nool magaaladan Johannesburg waxa ay rabaan in aqal galkooda loo  galbiyo sida gabdhihii ka horeyay loo galbiyay, tanina waxa ay Buur ku gadaamaysaa dhalinta xoogsata ee aan awoodin in qaabkaasi guurkoodu u dhaco.
 
Claahi  waxa uu ku nool yahay xaafadda meyfar oo ay soomalida magaaladan Johannesburg u badan tahay waxa uuna shabakada alcarabiya isaga oo u waramaya waxa uu yiri:
 
Mar   aan guur damcay waxa shuruud layga dhigay sida gabdhaha guurdoonka ah ee magalada Johannesburg loo galbiyo in iyana  guurkeeda loo galbiyo, taana waan awoodi waayay oo ilaa haatan waxaan ahay doob ayuu claahi hadalkiisa kusoo koobay isaga oo wajigiisa ka muuqato murugo.
 
Sidoo kale waxaan lakulmay wiil magaciisa la yiraahdo bashiir balck kii waxa uuna ii sheegay in magaalada Johannesburg uu ka dhamaaday jaceylkii ka imaan jiray wadnaha bidix kaasoo isugu ururay jeebka, taasoona ka dhigtay  dhalinyara badan oo soomaali ah kana duuli jiray nolosha dabaqada hoose  ay kaafin kari waayeen damaca hablaha loo caalwaayay ee ku qarwa  habeenkii in guurkooda lagu qasiro boqolaal kun oo ran oo lacagta south afrijkaanka ah.
 
Hadaba Waxa Magaalada Johanesburg ka Socda maaha wax Qoraal Lagu soo koobi karo, isbar bar dhig ahaana xaga Guurka |marka Layiraahdo magaalooyinka kale ayaa |kaga wanaagsan. tusaala ahaan |Magaalada Port elizabeth guurka ka dhaca waxa uu u badan yahay alcadaala oo dadka si garba siman ayeey aroosyada u dhigtaan.


____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com