Uncategorized

Falanqeynta kulanka xiisaha leh ee maanta dhex maraya kooxaha Chelsea Vs Manchester United.

MU VS CHALSEA
iftineducation.com – Ciyaar aad u xamaasad badan ayaa maanta dhex mari doonto kooxaha Cheslea Vs Manchester United,iyadoo cayaarta ay ka dhici doonto garoonka Stamford Bridge ee magaalada London.

Kooxda Manchester United ayaana ku badin garoonka Stamford Bridge tan iyo wixii ka danbeeyey 2002-di ciyaar ka tirsan horyaalka Premier League.
Afarti kulan ee u danbeysay ee ay dheeshay kooxda Manchester United hal kulan oo keliya ayey badisay, halka kooxda Cheslea 9 kulan oo u danbeysay ay ka badisay 5 kulan oo keliya.
Laacibka reer Spain ee uu cadaadisku saran yahay ee Fernando Toress ayaa la saarayaa mas’uuliyad adag, waxaana laacibkani weli heysata abaar dhinaca goolasha,iyadoo 15 kulan oo uu dheelay aanan wax gool ah dhalin.
Maxaaa ka cusub ciyaarta maanta:-
kooxda Chelsea ayaa ciyaarta maanta seegi doonto ciyaar yahano laf dhabar u ah kooxda, kabtan John Terry iyo Ashley Cole ayaa ka maqnaan doono ciyaarta maanta, kabtan Terry waxa uu ku maqan yahay dhaawac halka Ashley Cole uu isna ku maqan yahay ganaax,kadib ciyaarti Swansea City iyo Cheslea oo uu qaaday calaamadda casaanka ah.

Wayne Rooney, Nani iyo Ashley Young ayaa laga yaabaa inay ciyaaraan kulanka maanta, kadib marki cayaartoydaasi ay ciyaarti Man. U iyo Stoke ay ku seegeen dhaawac dartii.

Sir Alex Fergusan ayaa sheegay in kulanka maanta uu yahay mid adag,wuxuuna tilmaamay in kooxda United kulamadi ay martida ahaayeen ay inta badan guulo gaarayeen.
Ciyaar yahan Cahil ayaa buuxin doono booska kabtanka kooxda Cheslea ee John Terry,isagoo lagu bilaabi doono ciyaartan oo u ah tii ugu horeysay ee ciyaar yahanka la safo.
Yaa badin doono ciyaarta maanta dhex mareysa Labadan kooxood ee Cheslea iyo Manchester United? Fikirkaagu waa muhiin, waxaana suurta gal ah in la qaato.
Tababare Villa Boas iyo milkilaha kooxda Cheslea
Tores
MU
carik iyo esien

Xigasho: alcarabiya

____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com