Uncategorized

Fadeexad iyo ceeyb weyn oo soo wajahday shirkadaha u dooda dadka iyo baabuurta ay shilalka wax ka soo gaaraan ee dalkaas Ingiriiska

iftineducation.com – Fadeexad iyo ceeyb weyn ayaa waxaa la sheegay inay soo wajahday shirkadaha u dooda magdhowga dadka iyo baabuurta ay shilalka wax ka soo gaaraan ee dalkaas Ingiriiska ka dib markii dhawaantaan la soo bandhigay sida foosha xun ee wax isdaba marinta iyo been abuurka shilalalka baabuurta ah ee ay ayagu masuuliyadeedu leeyihiin oo ayba sameeyaan shil baabuur oo aan jirin si lacag loogu helo shirkadaha ceymiska.

Wargeyska The Sunday Times ee ka soo baxa dalkaas Ingiriiska ayaa dhawaantaan waxa uu soo bandhigay filim kaamiro qarsoon oo laga soo duubey mid ka mid ah shaqaalaha shirkadaha magdhowga u dooda dadka iyo baabuurta ay ku dhacaan shilalka ka dib markii nin wariye ah oo u shaqeeya wargeyskaas uu asaga soo dhigay nin ka mid ah macaamiisha ama kalyantiga caadiga ah ka dibna uu ka duubay ninkaas filim kaamiro qarsoon, iyadoo uu filimkaas muujinaayo sida qeyrul masuuliyanimada ah ee ay shirkadahaas u sameeyaan shil been abuur ah ka dibna ay lacag kaga soo qaataan shirkadaha ceymiska ama inshuransiga iyadoona aad arkeyso sida ninkaas u shaqeeyo shirkadaas magdhowga uu ugu dhiiran yahay sameynta shil baabuur oo been been ah islamarkaana ku soo qaadaayo lacag badan shilkaas uu asagu alifay, Ninkas ayaa waxaa ka mid ah hadaladiisa inuu baabuurka uu shilka ku dhacay ka dhigaayo mid baaba’ay oo ay tahay in la tuuro islamarkaana dadka saaran baabuurkaas la siin doono midkiiba ilaa iyo 2000 oo pound oo magdhow ahaan loo siin doono.

Ugu dambeyntiina iyadoo run ahaantii ay dad badan ay aad iyo aad ula yaabeen sida sahalka ee ay dadkaas ka shaqeeyo shirkadahaas magdhowga ay ugu dhiiranayaan inay isku dhuftaan baabuur ay dad saaran yihiin si loogu helo lacag ayaa waxaa la sheegay inay arintaas qatarteeda leedahay oo shilkaas been beenta ah ay wax waliba ka imaan karaan iyadoo ujeedada laga leeyahay arintaasna ay tahay oo kaliya lacag, Shirkadaha ceymiska ee dalkaas Ingiriiska ayaa waxaa la sheegay inay sanadkii lacag kor u dhaafeysa ilaa 350 milyan oo pound ay ku dhumiyaan ama ay ku waayaan shilalkaas been abuurka ah, Sidoo iyadoo ay jiraan sida aan la wado socono shirkado badan oo Soomaali ah oo ka shaqeeya magdhowgaas ayaan la ogeyn inay ayaguna ay ku shaqeeyaan habkaas qiyaanada ah iyo in kale. 


____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com