Uncategorized

Dhoola Cadeynta Qurxoon Iyo Hadalka Macaan Waa Furaha Lagu Furo Qalbiga Ninka !

Sirta Dhoolacadeynta kujirto
iftineducation.com – Iftin Education oo xoogga saarta arimaha buslahada ayaa talo idinka siineysa sida ugu sahlan ee qalbiga ninkaada aad ku kasban karto .
Waxaad siisaa ixtiraam aad u sareeya hana maqal siin dhagahiisa hadal xun isaga iyo ehelkiisaba .
Si weyn ugu tix gili waxa uu u sameeynayo adiga iyo caruurtaada dartood , ogaaw waxa uu u daalaa sidii uu idinkugu heli lahaa wax yaabaha aad u baahan tihiin isla maraakana oo uu idinkaga dhigayo kuwa raaxeysta hadaba haka xasdin in aad u mahad celiso .
Carbaakada qabso haku oran waxa aan aheyn eray macaan , hadalka wanagsan iyo dhoola cadeynta qurxoon waa furaha qalbiga ninka , xooga saar marka uu guriga soo galayo in aad ku qaabisho erayo ay ka mid yihiin in aad u xiistay marka uu baxayana ku macsalaamey dhunkasho.
Haku madax adeegin xittaa haddii uu yahay arin aan ku cajab gilin isku day in aad si degan wax u fahansiiso.

Ha kaga mashquulin caruurta si waliba oo ay tahay maxaa yeelay ragga inta badan waxa uu arinkaan ku qasbaa in ay ka fogaadaan xaasaskooda .

Ku Camir isaga dhan jaceyl iyo daryeelka aad u hayso sidoo kale ilaali sidii aad u raali gilin laheyd hana ka seexan isaga oo kuu careysan ogaaw ninkaada waa janadaada iyo naartaada .

Sidoo kale ka tag in aad wax ka sheegto mar waliba muuqaalkiisa iyo hab dhaqanadiisa maxa ayeelay taasi waxa ay bur burineysa xariirkiina adiga oo aan ogeyn .

____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com