Uncategorized

Dhacdo la yaab leh oo ka dhacda Dalka Mareykanka Kadib Markii Aabo Caraysan oo dilay Gabadhiisa oo Xiriirka ka Jaratay…

iftineducation.com – Dhacdo la yaab leh ayaa waxaa la sheegay inay ka dhacday magaalada Tennessee ee dalkaas Mareykanka ka dib markii aabe ku nool magaaladaas uu qoys dhan qudha ka jarey oo uu dilay asagoo ka careysan ka dib markii ay qoyskaasi ay gabadhiisa u jareen xiriirkii saaxiibtinimo ee Facebook arintaas oo ay dad badani ay la yaabeen.

Arintaan la ayaabka leh oo sida la sheegay ka dhacday magaalada Mountain City, Tennessee ee dalkaas Mareykanka ayaa aabahaan oo lagu magacaabo Marvin Potter oo 60 sano jir ayaa waxaa uu si aad iyo aad ah uu aga caroodey ka dib markii qoys ku nool magaaladaas ay liiskooda saaxiibtinimada ay ka masaxeen oo ay ka saareen gabdhiisa oo lagu magacaabo Jenelle Potter taas oo keentay inuu aabahaasi uu dilo haweeneyda lagu magacaabo Billie Jean Hayworth iyo saaxiibkeed Billy Clay Payne Jr isagoo marka hore qoyskaas ka toogtey labadoodaba madaxa ka dibna uu qoorta jarey oo uu qalay ninkii saaxiibka lahaa haweeneydaas, Laakiin waxaa goobtaas aan waxba ku noqon cunug yar oo ay dhaleen qoyskaas kaas oo loogu yimid goobtaas asagoo ku jira gacmaha hooyadiis oo meyd ahayd xilligaas.

Ugu dambeyntiina iyadoo flkaas uu ku kacay aabahaas ay la yaabeen dhamaan dadka aduunka ayaa waxaa kale oo falkaas loo qabtey nin kale oo lagu magacaabo Jamie Curd oo 38 sano jir ah oo sida uu booliisku sheegay xiriir hoose la lahaa haweeneyda laga saarey liiska saaxiibtinimada ee Facebook, Sidoo kale af hayeen u hadlay booliiska oo lagu magcaabo Mike Reece ayaa waxaa uu sheegay inay haweeneydaas loo dilay dadkaas darteed ay ahayd qof waqti walba ku jirta oo caadetsatey Facebook, asagoona ku tilmaamey falkaas wax aad iyo aad loola yaabo oo aana horeyna loo arkin, Labadaan nin oo dhawaantaan la hor keenay maxkamada ayaa dacwadoodu ay wali socotaa. 

Abdirizak M. (Xiireey)
Holland
Abdirizakxiireey@hotmail.com


____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com