Uncategorized

Yaa Gar Daran Bidaarle & Tima Jare .. Sheeko Qosol Badan

Nin bidaar leh & Tima Jare

Sheeko aad Uqosol badan , Maalin Maalmaha kamid ah ayaa waxa isku Yimid Nin Bidaar leh iyo Nin Timaha jaro halkaasna sheeko qosol badan dhex martay Sidaan ayeyna udhacday.
Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka Soomaaliya ayaa waxa ka dhacday sheeko qosol badan Nin Bidaar leh ayaa waxa uu yimid Dhisme lagu jaro timaha isla markaana ka mid ah Timajarayasha caanka ka ah Muqdisho.
Nnkii Bidaarta lahaa oo weydiiyey Timajaraha Qiimaha lagu jaro timaha ayaa ku jawaabay waa 10kun kadib waxa uu ku fadhiistay Kursigii sheeko badan iyo howl kadib waxa laga jaray timihii dhamaantood wa loo tir tiray bootar ba loo mariyey dabadeed waxa la sugayay Lacagta Timaha loogu jaray.

Ninkii Bidaarta lahaa ayaa waxa uu iska soo jaray Lacag 5kun ah isagoo ogaa in qiimaha lagu jaro uu yahay 10kun buu siiyey Shan kun , Timajarihii baa weydiiyey waa maxay Lacagtan kala dhiman, Bidaarlihii oo qosol ku dhiftay ayaa si jees jees ah ugu jawaabay yirina Anigu madaxayga fiiri kala bar timaha awal ayeey ii xiirnaayeen geesaha unbad ii jartay marka sidaas ayaan kala bar lacagta ubaxshay.
Hadalkii baa waxuu gaaray gar iyo in la is qab qabsado Go’aan ba lagu gaaray in uu ninku baxsho Lacagta kala barkeed madama uu afkiisa kuso dhacsaday inta kale, Soomalida waxay tiraahdaa, Nin kaa war Badan Dhaxalka aabahaa Ayuu ku dhaafsiiyaa…
Maalintii labaad ayaa waxa yimid Ninki bidaarta lahaa timajaraha kursiga ayuu ku fadhiistay wajiga hala ii dhaqo ayuu yiri, Ninkii timaha jarayay oo ahaa nin Caqli badan ayaa ufakaray Bidaar laha sida uu lacagtiisa uga so ceshan lahaa,
Wajiga ayuu umeeray kadib waxa uu yiri Ninba tookadiis , Anigu Maanta waxan rabaa Lacag laba jibaar ah, Ninkii bidaarta lahaa oo Yaaban ayaa yiri, Sidee ma Aniga ayaad idhacaysaa waa maxay lacagtaan Laba Jibaarka ah.
Tima jarihii oo iskugu Wacay dadkii shalay garta gooyey ayaa waxa uu ugu wada jawaabay, Anigu shalay lacagta kala bar ayan qaatay balse maanta Laba jibaar ayan ubaahanahay Sababtoo ah, Anigu Dadka hal waji ayaan udhaqaa ninkan Laba waji ayaan udhaqay,
Hadalkii oo lala yaabay ayuu sifiican usii fasiray waxa uuna sheegay In Waji uu yahay ilaa salxaha balse isagu dhaqay Wajiga kore ee bidaarta, Sidaasna uu laba waji ku dhaqay, Garta nimankii goynayay ayaa Markale waxa lagu gooyay in uu Bidaar laha baxsho Laba Jibaar Lacagta.
Hadaba Sheekadan oo ah mid dhacday oo jirta ayaa noqotay xikmad badan isla markaana mudan in wax laga qoro sidaa awgeed aan akhristayaasha Aduun.com jecelnahay iney inala caweeyaan Hadaba Akhriste Sidee Kula tahay Sida garta loogooyoy.
Fikradaadu waa laf dhabarka Bulshada, Halkan hoose waxaa kuugu furan halka aad Fikradaada kuso gudbin lahyd, Commensts-kaaga.

________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com