Uncategorized

Tartan Quruxda Aduunka ee Geela oo ka Dhacay Magaalada Abu Dubai (Daawo)

Tartanka quruxda geela

iftineducation.com – Magaalada Abu Dubai ee dalkaas Imaaraadka carabta ayaa waxaa la sheegay in dhawaantaan lagu qabtey tartanka quruxda ee aduunka ee geela iyadoona ay tartankaas ka soo qeyb galeen oo ayna soo xaadireen in ka badan ilaa 1,300 oo milkiilayaasha geela iyo geelooda oo kor u dhaafaayey ilaa iyo 20,000 oo neef oo geel ah.

Tartankaan oo inta badan ay ka soo qeyb galaan wadamada carabta gaar ahaana wadamada qaliijka ayaa waxaa la qabtey markiisii shanaad iyadoona loogu tartamaayo quruxda geela taas oo milkiilaha geelka ku guuleysto quruxdaas uu helaayo ama uu ku guuleysanaayo lacag kor u dhaafeyso ilaa iyo 40 malyuun oo dirhaam (10 million oo doolar qiyaasstii) . iyo waliba baabuur Land cruiser, Nissan 4WD, Chevrolet Tahoe, iyo Toyota pickup iyo abaal marino kala duwan oo kale, iyadoo tatankaas quruxda geela ay halkaas ku soo xaadiraan qubaro ku taqasusay geela ayaa waxaa la sjheegay in geela laga fiirinaayo meelo kala duwwan sida dhererka, wajiga lugaha iyo meelo kaleba.



Ugu dambeyntiina iyadoo tartankaasi uu ku guuleystay geel 7 sano jir ah ayaa waxaa la udoonsiiyeye milkiilaha geelaas abaal marin isugu jirto lacag iyo baabuur, madaxdii ka socotey dalkaas maaraadka ee ka qeyb gashay tatankaas quruxda geela ayaa ku sheegay arintaan mid muhiim ah oo xoojineyso ku dhegnaanshaha dhaqankooda ee soo jireenka ah, Laakiin waxaa la isweydiin karaa sidey arintu ahaan lahayd hadii ay tartankaasi ka qeyb geli lahaayeen geeleyda Soomaaliyeed, iyadoona dalka soomaaliya uu yahay kan ugu geel badan wadamada carabta geeliisana lagu qiyaasay inuu kor u dhaafayo ilaa iyo 7 malyuun oo geel ah iyadoona ay dhici kartey inay geela Soomaalidu ay halkaas kala soo hoyaadn abaal marin lacageed iyo mid baabuur.




______________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com