Uncategorized

3 – Dec. Waa Maalintii Isku-Makaanka & Mashaqadii Shaamow

Taariikhdu ma duugowdo, Xusuusta waa ma guurto, Umadda Soomaaliyeedna Quluubtooda ayey uurku-taallo gaamurta ku noqon doontaa mashaqadii xanuunka badan reebtay boogteedana aan weli bogsoon ee lagu xasuuqay udub-dhaxaadkii bulshada iyo indhaha Soomaaliyeed.
3-da December 2009-kii ayaa dharaar cad waxaa caasimadda Somalia gaar ahaan Hotel Shaamow ee Magaalada Muqdisho ka dhacay qarax kii ugu weynaa abid islamarkaana lagu dilay dad isku makaan ah, oo isugu jiray aqoon yahano, arday, dhaqaatiir, wasiiro, suxufiyiin iyo maati kale oo ka qeyb qaadanayey qalinjabinta arday dhamaysatay Jaamacadda Banaadir ee is lahaa waad gaarteen tallaabadii aad ku taamayseen noloshiina mustaqbalka, balse Shahaado looga dhigay in Dhiigooda sharafta badnaa la daadiyo.
“Waxaan ku weynay qaraxaasi raggii ugu firfircoonaa Dowladda ee aan saaxiibada dhow aheyd, oo isugu jiray Wasiiro, Dhakhaatiir, Suxufiyiin iyo Arday mudo dheer soo baranayey cilmiga caafimaadka, waxaana ku baxay waxbarashadooda qarash fara badan iyadoo la og yahay in waalidiintooda ay waxbarashadooda ku bixiyeen qarash badan iyagoo aan waxba haysan doonayana in mar un ay arkaan carruurtooda oo ummadda Soomaaliyeed wax tareysa iyana wax tareysa, balse nasiib daro taasi ma aysan dhicin” ayuu yiri Sheekh Shariif oo ah Madaxweynaha Somalia, islamarkaana saaxiibadii ugu dhawaa ku waayey qaraxaasi xanuunka badnaa.
Mashaqadaasi Shaamow, hadaba waxaa mas’uuliyadeeda lagu tuhmay Al-Shabaab, balse mas’uuliyiin u hadashay Xarakada Al-Shabaab, ayaa si weyn isaga fogeeyey weerarkaasi, “marnaba suurtagal ma ahan in shacab u badan Arday aan gumaadno” ayuu yiri Sarkaal u hadlay Shabaab, isagoo ku eedeeyey inay qaraxaasi soo maleegeen Ciidamada AMISOM iyo Dowladda KMG oo adeegsanaya Hay’adda Black Water ee Maraykanku aas-aasay.
Marxuumiintii mashaqadaasi ku nafwaayey waxaa ka mid ahaa Prof. Ibraahim Xasan Caddow, Axmed C/llaahi Waayeel, Suleymaan Colaad Rooble iyo Qamar Aadan Cali, oo ka tirsanaa Dowladda KMG, waxaa kale oo halkaasi ku geeriyooday Dhakhaatiir uu ka mid ahaa Dr. Max’ed Aadan Warsame (Shahiid) oo ahaa hormuudkii Jaamacadda Banaadir, sidoo kale waxaa ku dhintay Saxafiyiin ay ka mid ahaayeen Xasan Subeyr Xaaji Xasan (Fantastic) EEBE Naxariistii Janno haka waraabiyee oo Filim Qaade u ahaa Taleefishinka Al-Arabia, Mohamed Amiin Aadan Cabdule oo ka tirsanaa Idaacadda Shabeele iyo qaar kale oo ka mid ah ardaydii ka qalin jabineysay Jaamacadda Banaadir.

Bal Wax yar aan ka Daawano Hees Qiira Badan oo ay Kooxda Qaylodhaan Ka Sameeyeen Qarixii Shaamow.

Shacabka Soomaaliyeed oo weli la ilmaynaya dhacdadaasi 3-December ee Shaamow, ayaa waxaa ugu sii darsamay in 4-tii October markale dhacdo loogu magac daray (Shamow 2) waxaa lagu xasuuqay ku dhawaad Boqol qof oo isugu jiray Arday Shahaado sugayaal ahaa oo deeq-waxbarasho ka heley Dalka Turkiga iyo waalidiintooda oo xaflad sagootin ah kaga qeyb galayey Xaruntii Hargaha iyo Saamaha, qaraxaasi waxaa sheegtay Shabaab, waxaana naxdin iyo anfariir aan go’aynin abid ay ku reebtay Umadda Soomaaliyeed.
Hadaba maanta oo ay tahay 3-December ayaa ah Laba sano guuradii kasoo wareegatay mashaqadaasi murugada xambaarsaneyd, waxaana muhiim ah inaan si xasuus iyo xanuun badan aan ILAAHAY dartii ugu duceyno intii ku nafwaysay Qarixii Shaamow, anagoo sidoo kale ILAAHAY (SWT) ka rajaynayna in xusuusta sanadkaan sanadkiisana aan si nabadgelyo ah uga wada qeyb qaadano.
Waxaana qormadayda kusoo afmeerayaa :-
Barbaareey Tallo Habboon
Barbaar-Soomaaliyeed
Baraaruga Oo Qabsada
Wixii Ba’ay oo dhan ka Samir
Qabiil Buun-Buunin iyo
Ba’ iyo Reer Hebel Ka Gudub
Hadda iyo Nabad Beegsigeed
Midnimadii Baadi-doon
Bartaa Dhiga Qoriga oo Beegsada
Inaad Dhistaan Qaranka Burburay
Buugiyo Qalinkaba Qabsada
Intaad Baridaan ILAAHAY
Balaayo Xijaaban, Balaayo Xijaaban Dhaha
Ka Bogo Hobalada Horyaal Band iyo Heestan Wadaniga ah.

Qalinkii Weriye C/risaaq Indha-Jaceyl