Uncategorized

Sheeko Xariir – Tabihii Ugaarsiga Ee Dhegdheer?

 
Marka ay dadka ugaarsaneyso Dhegdheer way raadraaci jirtey ilaa ay qofka hesho oo gaadmo ama orod ku qabsato.

  • Rag caraabay lama raaco, saad gaari meyside. Naag caroowdayse haka soo harin oo dumar gelin danbe waa soo dabcaaye. Nin jarmaaday haka soo harin, suu barqadii marka qoraxdu soo kululaato buu geed harsadaa oo lagu qaban karaaye. Naag jarmaaddayse ha raacin, saad gaari mayside
  • bay oran jirtay Dhegdheer
Dhegdheer cabsi iyo dhiillo weyn bay galisay dadkii degganaa dalkii ay joogtey, markii ay qalatay dad badan, ceelashii laga cabayey iyo dhulkii daaqa lahaana loogu tegi waayey. Naag Dhool la oran jirey iyo ninkeedii baa ka mid ahaa dadkii dadqalatadaas darteed ugu dhici waayey biyihii iyo baadkiii dalka yiil, waxaana ay ku heeseen:
  • ninkii : – Dhankaynu u guuri dhooleey abaaro dhacee?
  • Dhool: – Dhedheer iyo Gardheeroo labo gabdhood dhalay ayaa dhul barwaaqo lihi dhinacooda yahay.
___________________________________________ 

Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com