Uncategorized

Sheeko Caruureed Dadqalatadii Dhagdheer

Bari waxa Jiray reer reermiyi ah oo lahaa afar caruur ah oo walaalo ah oo kala bah ah. Labana fariido ayey ahaayeen, labana nacasyo.

Maalin maalmaa ka mid ah ayaa hooyadii labada fariidada ah dhashay waxay u dhigtay ninkeedii oo safar ku maqnaa caano ay ka listay naaskeeda iyo kuwo riyaad oo ay iskudartay ayadoo xiligunna yahay Jiilaal.
Markii uu yimid ayuu yidhi, “Caanahan xagaad ka keentay illayn waa Jiilaalle?”
Hadaad caruurta habaabisid, markasta caano ayaad heli”, gabadhi tidhi.
Subaxiidanbe ayuu caruurtii iyo awrkii kaxeeyay oo ku yidhi, “Midhaynu soo guranaynaaye inna keena”.
Way fogaadeen oo wuxu geeyey meeshii midhaha laga soo gurayey. Wuxu yidhi “Inoo gura midhaha waan seexanayaaye. “Geed hoostiis ayuu ku goglay go`iisii cadaa, koortii awrkana wuxu sudhay geed si dabayshu u ruxdo oo caruurtu istidhaahdo aabihhiin iyo awrkiiba way joogaan. Mar casarkii ahayd ayey isyidhaahdeen aabihiin soo toosiya, dabadeed way ka waayeen oo go’ qudha ayey ku arkeen meeshii iyo koortii geedka sudhnayd. Way iska socdeen, waxaanay la kulmen guri Jees ah. Dabadeed way gallen, Waxay uugu tageen gabadh ku tidhi waxan ahay inna “Dhagdheer”, gurigana hooyaday ayaa leh.
“BIyo nasii”, ayay caruurtii tidhi.
“Haantaa waxa la yidhaahdaa-Bowdheer-, markaa hooyaday ayaa maqlaysee hadaad kor ka furtaan waayo sanqadh dheer ayay bixisaa. Markaa mudac ku muda, dabadeed halkaa ka cabba. Markay cabbeen waxay yidhaahdeen “meel naseexi”.
“Hooyaday waa dad qalato markaa harrar ayaan idinku duubayaa oo aqalka dabadiisa ayaan idinku qarinayaa”. ayay gabadhi uugu Jawaabtay.
“Dhagdheer kolkay timid way urisay caruurtii.
Naas gabdheed ayaa uraya”. ayay tidhi dhagdheer.
“Hooyo waa naaskayga “, ayay tidhi inantii.
Markii ay dhagdheer erayadii ku celcelisay ayey cabsootay gabadhi:”Hooyo caruurta waan soo saarayaaye ha cunin”.
Caruurtii ayey soo saartay, habeenkiina dadqalatadii way barisay. Subaxnimadii markay ahayd ayey tidhi dhagdheer, “Yaan u xiiraa inankooda?”
Nacastiiba tidhi “Inankayaga u xiir”.
“Hablaha! midayna xaabo doon, midayna biyo doon”,
ayey ku amartay dadqalatadii.
“Inankayagu biyaha ayuu ila doonayaa, fariidii ayaa tidhi. Waanu raacay. Nacastiina kaligeed ayey xaabadii doontay oo inankoodii way qalatay. Iyana markay timid ayey cuntay.
Labadii biyaha doonay way baxsadeen, dabadeed habartii ayaa eryatay. Ayagoo ordaya ayey arkeen Mas Weyn oo dabadiisa iyo madaxiisu isu kala Jiro meesha cirka iyo dhulku iskahaystaan.
“Masow meel no bannee cadow ayaa na eryanayee”. ayey caruurtii waydiisteen.
“Hadaydaan ciid iyo saxarnna igu duulinayn iga talaabsada”. ayuu maskii ku celiyey.
Dabadeed waxba kumay tuurin ee way ka gudbeen. Dhagdheer oo ordaysa ayaa iyana maskii soo gaadhay, intii inleeg ayey isyidhaahdeen, laakiin dadqalatadii ciid iyo saxarba way ku daadisay maskii, dabadeed wuu cunay.
Markaa Caruurtii waxay ku heeseen:
“Dhagdheer dhimatoo dhulkii nabadee”
“dadoo ma isu soo dhawaanaa?”
W?Q: Aadan Abdi