Uncategorized

Ragga Talaabooyin Noocee Ah Ayay Haweenka Kaga Careysiiyaan?

iftineducation.com – Jaceylka dhab ahaan micnihiisu waxa uu yahay dareemidda shacuurta ugu macaan ee qof qalbigiisa qabsada , haweeneyda hadii ay wax jecelaatana wax mustaxiil ah ayay sameneysa iskaba daayee nafta ayay hureysaa . 
Gabaryaheey xabiibkaada waa hubaal waa uu kugu gacan siiyaa waxa aad dooneyso balse mararka qaar waa uu qaldamaa iyadoo ay ula jeed ka aheyn , hadaba sababaha ninka ku qasbeysa in qaladaadkaasi uu ku dhaco oo lagu hayo.
Daalka: Ragga si weyn ayay ugu saadaalaan goobta shaqada , marka ay guriga ku soo laabtaanna waxa ay door bidiyaan in ay seexdaana ama ay daawdaan taleefishinka , haddii markaas ay xaaskiisa wax ka dalbato waa uu ganuunacaya.
Muragada Nolosha:mararka qaar ninka waxa uu dareemaa in wax yaabaha ka haysta dhanka noloshooda aheyn kuwa aan caadi aheyn taasi oo ka dhigeysa in maskixiyan uu mashquulsan yahay markaasi ayuu ilaawayaa la sheekeysigii xaaska .
Rabitaanada gaarka ah: waxaa iska dabiici ah in ay ahaadaan waxyaabaha uu ninka daneynayo kuwa ka duwan midda xaaskiisa daneyneyso markaasi , haddi uu isaga rabo in loo baxo daawashada Filim Romantic ah halka gabadha ay rabto safar baashaal ah oo lugta la cabayo arintaa gabadha waa ay ka careysiineysaa .
Qaylada caruurta: ka dib maalin daal ah oo shaqo uu ka yamid ayuu ninka guriga ku soo laabanayaa si uu u nasto, waxa uu imaanayaa caruurta oo iskuulka ka soo laabtay oo cayaaraya oo guriga dhan ka dhigay qaylo markaasi ayuu aamusinayaa, waa tan hooyada oo carooneysa.
Aqriste waa inoo muhiim fikirkaada ku aadan mowducaan 

 _________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com