Uncategorized

Nin U Dhashay Aljeeriya Oo Muddo 35-Sano Ah Biyo Cabin!!

Nin u dhashay dalka Aljeeriya ayaa jahwareriyay taqaatiirta kuwaas oo ku wareeray xaaladiisa iyadoo muddo 35-sano uusan cabin biyo .

Sida laga soo xigtay wargeyska Alsharuukh ee ka soo baxa dalkaasi  ninkaan lagu magacaabo Almaknaas da`diisuna  tahay 35-sano jir waxa uu ka shaqeeyaa maqaayad ku taal magaalada al-balida , iyadoo haddii uu isku dayo in uu biyo cabo oo uu afka u dhaweeyo waa uu laba-laboonaya .
Inkastoo sidaas uu yahay ninkaan hadana caafimaadkiisa waa taam kamana muuqdo jirkiisa wax daal ah , waxa uuna tilmaamay in ay yar tahay inta u biyo cabay markii uu yaraa oo uu cunug ahaa
Waxa taqaatiirta ka yaabiyay ayaa ah in biyo lagu qasbay oo gaarayay bikeeri haafkiisa oo uu s dirqi ah ku liqay markii raajada la saarayna calooshiisa wax ka soo muuqday ma jirin , waxaana xusid mudan in biyaha aashitada leh  uu cabi karo laakiin biyaha caadiga uusan u dhawaan karin .

_______________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com