Uncategorized

Ma Ogtahay Meeshow Kasoo Aslamay Qalinqori (Pencil)?

Pencil (Qalinqori)

  1. Qalin qorigi ugu horeeyay aduunka waxaa lasameeyay sanadka markuu ahaa 1565 Ingiriska, laakiin hal qarni kadib ayaa sitoos ah loogu soo saaray Jermal-ka.
  2. Sanad walbo waxaa lasoo saari jiray 14 bilyan xabo oo qalin qori ah aduunka dhan. Tirada ugu badan waxaa loo dhoofinjiray Mareykanka oo qaadan jiray (2 bilyan oo xabo). Hadii ladhihi lahaa waxaa lasameynaa xariiqan waxey sameynkaraan tiradaas afar xariiqan oo aduunka dhan ku soo wareegato.
  3. Hal qalin qori waxow qori karaa 40 kun oo eray ama xariiqan gaareysa 35 mile.
  4. Markeeda hore waxaa loo isticmaali jiray qalin qoriga in lagu calaamadeysto Ariga, si dadka xoola dhaqatada ah waqtigaas ukala saari karaan Arigooda.
  5. Taariikhda markey aheyd 30 Maarso 1858 ayaa bani adamka hadana waxow abuuray tirtiraha qalin qoriga, sidey u badanyihiin wadamada Eropa ma isticmaalaan tirtiraha qalinqoriga dabada danbe kuwata.
  6. Geed walbo oo dhaxdhaxaad waxaa laga soo saari karaa 170 kun xabo oo qalin qori ah (Pencil).
  7. Qalinqoriga (Pensil) ugu weynaa aduunka waxaa sameeyay Ashrita Furman, New York. Dhirirkiisa wuxuu la egyahay 23 M, iyo culees gaaraaya 10 ton, qiimahiisana USD$ 20 kun oo dollar-ka mareykanka.
QalinQiri(Pensil)
Qalinqoriga ugu weyn aduunka

____________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com