Uncategorized

Kaniiniga Viagra ee ay u isticmaalaan ragu inay ku xoojiyaan qeybtooda taranka oo la Sheegay In uu Leeyahay ….(Daawo Muuqaal ahaan)

iftineducation – Kaniiniga lagu magacaabo Viagra ee ay u isticmaalaan ragu inay ku xoojiyaan qeybtooda taranka ayaa waxaa la sheegay inuu sidoo kale xoojiyo oo uuna wax weyn ka qabto dhirta iyo ubaxa kale marka lagu waraabiyo kaniinkgaas iyadoona ay dad badan la yaabeen sida ay ku dhacdey arintaas..

Sida uu sheegay aqoon yahanka lagu magacaabo David Domoney oo u dhashay dalkaas Ingiriiska kuna xeel dheer badbaadinta iyo dhaqaaleynta dhirta loo isticmaalo guryaha iyo jardiinooyinka islamarkaana soo tabiya barnaamijka ka baxa telefishinka dalkaas Ingiriiska ee looga hadlo dhaqaaleynta dhirta inay geeduhu sii jraan mudo dheer ayaa waxaa uu sheegay inuu kaniinigaas toosiyo oo uu kiciyo sida uu u kiciyo xubin taraneedka raga marka loo isticmaalo dhirta iyadoona ay taasi keento inuu geedkaas uu sii noolaado mudo dheer oo aan caadi ahayn, Xoogaa yar ama 1mg oo kaniinigaas Viagra ugu qas biyaha ka dibna ku waraabi geedka runtii waad arki doontaa inuu cimrigooda sii dheeraado ayuu yiri ninkaas mar uu ka hadlaayey arintaas.




Ugu dambeyntiina iyadoo run ahaantii aysan jirin cid wali sheegi karto dsababta uu kaniinigaas u caawin karo dhirtaas oo uu u xoojinaayo inay sii noolaadaan oo ayna sii adkeystaan ayaa arintaas waxaa baaritaan ku haayo culimada sayniska, kaniinigaan Viagra oo ay isticmaalaan dad aad iyo aad u badan oo ku nool dunida dacaladeeda ayaa waxaa la sheegay inuu wax weyn ka taro hamiga raga iyadoona uu adkeeyo ama uu xoojiyo qeybta taranka ee raga, Laakiin kaniinigaas ayaa la sheegay inuusan u wanaagsaneyn raga qaba cudurada wadno xanuunka oo uuna u keeni karo qatar weyn.

_____________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com