Uncategorized

Haweenka Oo Ka Hela Ragga Xiran Shaararka Casaanka Ah.

Ma tahay ragga xerta dharka casaanka ah , hadaad tahay ragaasi waxaad ogataa in aad u nugushaahy in aad soo jeedato indhaha iyo dareemaha haweenka.

Daraasad ay sameeyeen quburo ka tirsan jaamacada Rochester ee dalka Mareykanka ayaa lagu sheegay in haweenka ay aad ula dhacaan oo ay soo jiitaan ragga ku labisan dharka casaanka ah gaar ahaan shaararka.

Qabiir jaamacadas ka tirsan ayaa sheegay in ay ogaaden in haweenka ay si gaar ah isha ula racaan ragga xeran dharka casaanka ah iyaga oo niyada ku haya arimo ay ki mid yihiin .

In ragga xeran dharka casaanka ah ay haweenka ula muuqdaan isla markaana ay aamisan yihiin in ay yihiin ragg ku dadaalaya in uu hanti yeeshaan isla markaana doonaya in ay la qabsadaan nolosha bulshada .

Daraasadaan ayaa waxa ka qeyb galay 288-dumar ah iyo 25 -ragga ah waxaana laga codsaday haweenka in ay daawadaan ragga dharkooda iska badal-badala oo marba nooc soo xerta mar cadaan , mar casaan , waxa ayna sheegeen haweenkii in ninka xerta dharka casaanka ah uu leeyahay awood soo jiidasho isla markana ay dareemayaan baahi dhanka dareemaha ah.

Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com