Uncategorized

Haweeney jirta 40 sano oo loo xiray Arin layaab leh kadib markii ee ku hadashay Telfoonkeeda Gacanta iyadoo …

Woman Kicked Off Train
Lakeysha Beard
iftineducation.com – Lakeysha Beard oo ah haweeney 40 sano jir ah una dhalatay dalka Mareykanka ayaa xabsi u gashay taleefoonkeeda gacanta oo ay ku hadleysay in badan, haweeneydan aya waxaa la sheegay in 16 saacadood oo xiriir ah ay taleefoon ku hadleysay iyadoo saaran tareen xilligaas oo ay fadhiday qeyb laga mamnuucay hadalka taleefoonka.

Sidoo kale Lakeysha Beard ayaa la xaqiijiyay inay si aad ah u cod dheer ay ugu hadleysay taleefoonkeeda taasi oo ay aad u dhib sadeen dadkii la saarnaa tareenka waxaana dadka tareenka saarnaa ay ku war-giliyeen shaqaalaha tareenka in haweeneydan la’la hadlo.


Intaa kadib waxaa dhacday in shaqaalihii tareenka ay ka codsadeen haweeneydan in ay joojiso qayladda iyo taleefoonka balse wey ka dhaga adeegtay waxaana ay ugu jawaabtay shaqaalihii tareenka inay xaq u leedahay in taleefoonkeeda ay ugu hadasho waliba ay xor u tahay siday doonto inay ugu hadasho.


Hasa-ahaatee aan idin xasuusiyo tareenka qisadan ka dhacday ayaa isaga kala gooshayay magaalooyinka Oakland ee gobolka California iyo magaalada Portland oo iyana ka tirsan gobolka Oregon ee dalka Mareykanka iyadoona markii dambe ay arintu faraha ka baxday oo ay gaartay in gacmaha la-isula tago iyadoo markii dambe loo wacay booliska waxaana kadib boolisku ay haweeneydaasi si qasab ah ugu soo dajiyeen tareenkii ay saarneyd xabsina u taxaabay.


______________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com