Uncategorized

Facebook Messenger for Windows Oo Soobaxay?

CALIFORNIA – Facebook Messenger for Windows waa la isticmaali karaa hadda adigoo ku shubanaayo computerkaaga (client) kuuna suurta galinaayo inaad lasheekeeysato saaxiibadaada Facebook-ga, adigoonan isticmaaleynin browser.
Messengerkaan cusub ay sameysay Facebook wuxuu ka helay soo dhaweyn wanaagsan dadka isticmaala Facebookga iyo Windows.
Facebook messenger ilaa hadda wuxuu kujiraa tijaabo. Facebook xataa wuxuu soo bandhigay warbixino ku saabsan aplikasi-gan cusub halkan ka aqriso.
Massengerkan wali wuxuu ku jiraa tijaabo kaasoo kuu suurta galin doona inaad isticmaasho Facebook adigoonan booqanin www.facebook.com, sida lagu daabacay Tech Radar, Jimcadi(30/12/2011).
Hadad isticmaasho Facebook Messengerkan, waxaan lasheekeysan kartaa saaxiibadadada, waxaad heleysaa update-yada cusub, waxaad heleysaa ogeysiin dhaqsi ah waxyaabaha dhacaayo.
Facebook xitaa wuxuu cadeeyay iney hadda tijaabinaayaan version-kii ugu horeeyay aplikasi-gaan. ” Intaan ku guda jirno  tijaabinta, waxaan rajeyneynaa inaan dhameystirno howlaha qabyada ah” ayuu yuri madaxa shirkada Facebook.
Horumarka Facebook ee inuu yahay website arimaha xiriirka bulshada ugu weyn aduunka liskuma heesto laakiin waxaan sugeynaa ama aan arkeynaa in Messenger-kan uu noqon doono caan (Adam).

Halkaan Kadajiso Facebook Messenger:

Download  Facebook Messenger for Windows
Download 

Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com