Uncategorized

Digniin:Haweenka Qurxoon Oo U Daran Caafimaadka Ragga!

Daraasad ay sameeysay quburo ka tirsan jaamacada Velencia ee dalka Spain aya shaaca ka qaaday in haweenka qurxoon ay saameyn xun ku yeeshaan caafimaadka ragga .
Daraasada ayaa tilmaantay in ninka ragga ah muddo 5-daqiiqo ah oo uu kaligiis la joogo haweeney aad u qurxooon in uu sara u kacayo Cortisol-ka ku jira dhigiisa .
Cortisol-ka ayaa ah Hormone daaliya jirka , iyadoo la tilmaamayo in jirka daal jismiyadeedka iyo midda nafsaaniga ah ay in badan ay keeni karto inuu qofku ku dhaco cudurada wadnaha.
Ragga ayaa aamisan in haweenka qurxoon ee ay xariirka la leeyihiin ka wacan yihiin , iyadoo xiliga maskaxdooda ka fekereyso arinkasu uu sara u kacayo Cortisol-ka.
Dhanka kale darasada aya sheegtay in ninka oo guursada haween caqli badan aqoon leh uu ka yareynayo in uu ka dhaco wel wel iyo cudarada wadnaha , waxa uuna dareemaya in hab nololeed wacan u leedahhay .