Uncategorized

Dhacdo Xanuun Badan Oo Kadhacday Dalka Norway

Dhacdo Xanuunbadan

Goobjoogo ku sugan dalka Norway ayaa iiga sheekeeyay Sheekadaan waxa ayna u dhacday sida tan soo socota :-

Ca’isha Hasan waa gabar Soomaaliyeed da’deena waxaa lagu qiyasay 14- 15 sano jir, dalka waxa ay soo gashay ayadoo jirta da’da 8-sano waadna garan kartaa gabar intaa le’eg hada dhul shisheeye ku nool masxadeeda sida ay noqon karto.
Ehelka Ca’isha intoo badan waxa ay wada joogaan dalka Norway marka laga reebo qaar yar oo xiligaan ku sugan dalka Somalia, Hawo Ali waa hooyada gabadha yar ee musiibada ay ku dhacday waxa ayna haatan ku nooshahay nolol laga deyriyay xitaa dhaqaatiir ay wax ka qaban weyday.
Ca’isha waa ardeyad haatan waxa ka barata dalkaasi waxa ayna dhigataan fasalka 8-aad oo waxa ay ku jirtaa ama ay dhiganeysaa qeybihii danbe ee waxbarshadeeda balse Ca’isho ma tahay gabar ka naxda Hooyadeeda gaar ahaan maadaama hooyadeeda ay tahay qof aad u jecel.
Tododbaadkii naga tagay Ca’isha iyo gabar kale oo ay saaxibo yihiin oo la aaminsanyahay in ay ka danbeysay in ay duurka gasho ayaa waxa ay isku raaceen meel Club ah oo ka caada ah dalalka Yurubta waxa ayna Ca’isho halkaasi kala soo kulantay dhacdo naxdin leh.
Gaangiistaro aan heybtooda la aqoon ayaa Ca’isho waxa ay kula kaceen falal xiligaasi u ekaa in goobta loo tagay ama loo aaday ayadoona ugu danbeyntii isku badashay marxalad kale.
Gabadhii kale ee cadaanka aheyd ayaa qeyb ka mid ah Sheekadii waxa ay uga sheekeysay Hooyadeeda waxaana dhacday in hooyadii Soomaalida aheyd arintii loo keeno oo lagu qabsado xitaa gabadhaada xitaa uma gadan karitd miyaa Condom.
Maamo Xaawo oo xiligaan aanan fileen in gabadheeda yar ay ku kacdo falal xun ayaa istaaga ka dhacday ka dib markii looga sheekeeyay sheekadii taa oo ugu danbeyntii keentay in Maamada haatan ay gasho xaalad aad u liidata.
Musiibooyinka ku dhaca gabadhaha Soomaalida ee ku sugan gaar ahaan dalalka dibada ayaa ah kuwa aanan loo kala hadhin ayadoona inta badan gabadheheena ay noqdeen kuwa wax walba oo xun lagu baroobeeyo xitaa ayadoo ay jiraan kuwa ka xun xun ama kasii liita waana meesha ay isdhigeen gabdheheen, kuwa dalka jooga waxa ay ku mashquulsanyihiin sidii ay ku gaari lahaayeen dibada kuwa dibada jirna waxa ay ku mashquulsanyihiin kana badan la’yihiin waxaan iyo wax ka sii liita… Yaa u maqan Soomaalida oo dhan Yaana u maqan Gabdheheena???
NB. qofka sheekada ii sheegay waxa uu iga codsaday in sheekada aan si kale u dhigo isna aanan magaciisa isticmaalin marka magacyada waa kuwa aan ugu talagay sheekada laakin sheekada waa mid dhab ah.

__________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com