Uncategorized

Daraasad: Jaceylka Daacadda Ah Oo Lagu Cayilo

Ma jiraa xariir ka dhaxeeya jaceylka iyo culeyska , waxaase horay caan u aheyd marka qof uu hilibkiisa dhaco in lala xariiriyo in jaceyl uu hayo balse haatan arin ka duwan ayaa soo baxday.
Baaritaan uu sameeyay machadka Max Weber ee cilmiga arimaha bulshada ee hoos taga jaamacada Heidelberg ee dalka Jarmalka ayaa lagu sheegay in jaceylka laga qaado cayil(Buurnaansho).
Waxa ay xuseen in ninka iyo naagta uu ka dhaxeeyo xariir jaceyl oo daacad ah in jirkooda uu fuulo hilib marka loo bar bar dhigo kuwa aan haysan jaceylka .
Baaritaan waxaa kale uu leeyahay sidoo kale jaceylka xanuunka badan waxa uu qofka ku qasbayaa in uu caatoobo oo uu jirkiisa dhamaado 
Isla baartiaan uu horay u sameeyay machadkaan ayaa sheegeysa in lamanaayaasha is qaba ay ka caafimaad fiican yihiin kuwo aan haysan nolosha qoysnim.