Uncategorized

Baro Dalkaaga Hooyo – Macdanta iyo Saliidda Soomaaliya


Macdanta

Soomaaliya waxaa ku jira macdan farabadan oo aan laga faaiidaysan. Sababtoo ah macdantaas waxay u baahantahay maaliyan ama lacag fara badan iyo qalab casri ah iyo weliba dad aqoon iyo xirfad u leh macdanta.

Haddii aan wax ka sheegno qaybaha macdanta iyo meelaha ay ku jiraan, waa kuwan hoo ku qoran:

Berbera: Meel u jirta 15 km waxaa ku kaydsan Jibsam[Gypsum]. Waxaa kale oo Berbera agteeda laga helaa shamiitada.
Buur-hakaba: Waxaa lagu qiyaasay [1968] in ay ku jirto 120 million tons[tan] oo macdan ah, waxaana kamida Yuraaniyam iyo Thorium.
Ceel-buur: waxaa ku kaydsan macdanta loo yaqaan Sepiolite.
Diin-soo: waxaa ku kaydsan qiyaastii 50 million tons oo ah bir-dahaba ama[iro-ore].
Majayahan: oo u dhow Boosaaso waxaa ku kaysdan macdanaha kala ah Tiin, Gypsum,iyo Dahab.
Dhalan: oo u dhow Ceelaayo waxaa laga heli karaa macdanta loo yaqaan Tiin.
Xeebta Jasiira iyo Bacaadka Shalambood: Waxaa ku kaysdan Dahab.
Xaafuun iyo Hurdiye: Waxaa laga helaa Cusbada cuntada [salt].

Waxaa kale oo la sheegay in Soomaaliya ay ku jiraan gaaska dabiiciga ah iyo saliid [iol]. Waxaana laga yaabaa in ay jiraan macdano farabadan oo ku kaydsan Soomaaliya  welina aan ladaahfurin.

Dhammaan macdanadaas aan kor ku soo xusnay xaqiiqa ahaan inta xaddiga ah ee waddanka ku kaysan lama hubo, waana qiyaaso iyo mala awaal lasameeyey. Tirooyinka xusani ma aha kuwo lagu helay cilmibaaris qoto dheer. Waxaana akhristayaasha ka codsaneynaa in haddii ay hayaan wax macluumaada oo arintaas ku saabsan ay noogu soo sheegaan emailka hoos ku qoran.

Saliidda (oil)

Soomaaliya waxaa ku jira Saliid farabadan oo aan weli siweyn looga faa’iideysan. Haddii aan wax kaxusno goobaha hadda lagu hubo saliidda waxaa kamidda:
  • Saylac (Awdal)
  • Lascaanood agteeda (Sanag)

    Meelahaas oo ay ahayd meelihii uu ku socdey baadhistu intii xukuumada la ridin. Laakiin badanka somaliya lama wada baadhin.

  • afgooye (gaaska dabiiciga ah). xadigiisuna aad u badan yahay.
Waxaan mahad ballaaran u jeedineynaa injineer Ibrahim oo caawinaad nagasiiyey arimaha muhiimka ah ee laxiriira saliidda Soomaaliya dhex jiifta.

Hadii aad u baahatid macluumaad dheeraad ah oo kusaabsan macdanaha Soomaaliya, ka akhri waraysigii SomaliTalk la yeesheen Dr. Cusmaan Salaad Xirsi oo markaas (sept 2000) booqaneyey London, Ontario, canada.


Souce : Somalitalk.com
Qore: Maxamed Cali
Webmaster@somalitalk.com

Qoraaladaan oo aan diiwaan ahaan u hayey waxaan kasoo qoray buugaag aan ka akhriyey Jaamacadii Soomaaliya [Gahayr], ka hor 1991.


_______________________________________________________________________

Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com