Uncategorized

Baro Dalkaaga Hooyo – Dhismayaal Taariikhi ah Soomaaliya

Qaybtaan waxay ku saabsan tahay dhismayaal taariikhi ah iyo meelo muhiim ah oo ka tirsan Soomaaliya, waana kuwan soo socda:

Masjidka Fakhradiin ee Xamar waxaa ladhisay 1269.
Masjidka Shiikh Cabdulcasiis ee Xamar waxaa ladhisay 1210 sano kahor .
Dekedda Kismaayo waxaa ladhamaystiray November 1968 .
Dekedda Berbera waxaa ladhamaystiray sanadkii 1969 .
Taalada Dhagaxtuur waxay xusuus u tahay dhagaxtuurkii xorriyad doonka ahaa ee dhacay 5 October 1949.
Madxafka Qaranka [museum] wuxuu ahaan jirey gurigii Siciid Barqash qarnigii sagaalaad dhexdiisii iyo qarqinigii tobnaad .
Waxaa kale oo xusid mudan dekeddaha Xamar iyo Boosaaso . (Taariikhihii la asaasay oo rasmiya mahayn markaan qoraalkaan samaynayey).
Shirkadda Dayuuradaha ee Soomaali Airline waxaa la asaasay sannadkii 1964 .
Garoomada Diyaaradaha ee Soomaaliya waxaa kamida:
  • Garoonka Muqdisho: oo ah 2,500 m [dherer] iyo 45 m [ballac]
  • Garoonka Hargeysa: oo ah 2,250 m [dherer] iyo 45 m [ballac]
  • Garoomada kale ee Soomaaliya waa: Garoonka Kismaayo, Burco, Ceerigaabo, Boosaaso, Caluula, Qardho, Eyl, Qandala, Gaalkacyo, Hobyo, Iskushuban, Ballidoogle, iyo kuwo kale.




Souce : Somalitalk.com
Qore: Maxamed Cali
Webmaster@somalitalk.com

Qoraaladaan oo aan diiwaan ahaan u hayey waxaan kasoo qoray buugaag aan ka akhriyey Jaamacadii Soomaaliya [Gahayr], ka hor 1991.

__________________________________________

Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com