Uncategorized

Baro Dalkaaga Hooyo – Dhirta iyo Daaqa Soomaaliya

Janaale

iftineducation.com – Dhulka Koonfurta iyo Woqooyi-galbeed ee Soomaaliya waa dhul hawd ah oo ay dhirtu ku badan tahay, taas oo ay ugu wacan tahay roobka ka da’a meelahaas oo ka badan kan ka da’a dhulka Soomaalida  intiisa kale. Woqooyina waxaa ku badan cawska iyo dhir ku haboon daaqa xoolaha. Woqooyi-Bari iyo xeebaha Woqooyiga waxaa ku badan dhirta xabagta leh, sida Fooxa (Beeyada) iyo Maydiga. Fooxa iyo Maydiguba waa xabag aad u udgoon waxaa lagu udgiyaa guryaha iyo masaajidyada, iyadoo weliba loo dhoofiyo dibadaha oo markaas laga helo lacag adag. Dhanka gobolada dhexe iyo weliba koonfurta waxaa ku badan dhirta mayraxda leh. Soomaaliya waxay leedahay  xoolo aad u badan. Taasi waxay sababtay in daaqa waddanku uu yaraaday, gaar ahaan marka xilliga roobku uu gadaal uga dhoco markii uu di’i jirey.

Magacyada dhirta soomaaliya ka baxda waxaa kamid ah: Galool, qurac, qansax, cadaad, dhamas, geed-hindi, laama-looyo, hareeri iyo kuwo kale oo farabadan oo aanan halkan kusoo koobi karin.

Waxa kale oo duurka ama baadiyaha soomaaliya, gaar ahaan  dhanka koonfurta, ku nool xayawaano fara badan.  Waxaana kamid ah: Dhurwaaga, dawacada, libaaxa, haramcadka, doofaarka, gorayada, deerada, cawsha, biciidka, sagaarada, dameerfarowga, jeerta, wiyisha iyo weliba noocyo farabadan oo shimbiro ah.


Souce : Somalitalk.com
Qore: Maxamed Cali
Webmaster@somalitalk.com

Qoraaladaan oo aan diiwaan ahaan u hayey waxaan kasoo qoray buugaag aan ka akhriyey Jaamacadii Soomaaliya [Gahayr], ka hor 1991.

_______________________________________

Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com