Uncategorized

Baro Dalkaaga Hooyo – Cimilada Soomaaliya

Soomaaliya waxaa mara dhul baraha, sidaa daraadeed waa dhul kulul. Waxayna leedahay afar xilli: waana kuwan hoos ku qoran:
 

1. Gu’
 April – June
2. Dayr
 October – December
3. Jiilaal
 December – March
4. Xagaa
 June – September

Roobka ku da’a Soomaaliya sanadkiiba qiyaastii waa 4 inches (100 millimitir). Inkasta oo gobolada soomaaliya  roobka  ay helaan uu kala duwanyahay. Woqooyi-Bari qiyaastii roobka sannadkii ku da’a waa 8 ilaa 12 inches. Koonfur-Galbeed iyo Waqooyi-Galbeedna qiyaastii waxaa ku da’a  20 ilaa 24 inches oo roob ah sannadkii. Meelaha xeebaha ah ee Soomaaliya aad ayey u kulul yihiin, dhulka berriga ahina waa kuley xigeen. Xeebaha Berbera iyo Boosaaso heerkulku wuxuu gaaraa 38 C ama (100 F), waana bilaha June ilaa September. Dhulka xeebaha koonfureed heerkulkoodu waa hooseeyaa iyadoo ay ka dhacdo dabeyl ka timaada bad-weynta Hindiya. Heerkulka Muqdisho wuxuu u dhexeeyaa 28 C (83 F) bisha June iyo 32 C(90) bisha April.

Souce : Somalitalk.com

Qore: Maxamed Cali
Webmaster@somalitalk.com
Qoraaladaan oo aan diiwaan ahaan u hayey waxaan kasoo qoray buugaag aan ka akhriyey Jaamacadii Soomaaliya [Gahayr], ka hor 1991.

______________________________________

Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com