Uncategorized

Baro Dalkaaga Hooyo – Bilic-Samida Soomaaliya


iftineducation.com – Soomaaliya waa dhul aad u quruxbadan. Buuraha, webiyada, xeebaha, togagga, dooxooyinka, balliyada, dhirta, ugaarta, xoolaha, beeraha. dhammaan kuwaasi waxay ka midyihiin bilicda ilaah ku mannaystay dhulka Soomaaliya.

Soomaaliya in ay tahay dhul aad u qurux badan oo qadiimi ah waxaa caddaynaya dhismayaasha aadka u da’da weyn iyo goobaha bilicda san ee kuyaal qaybkasta oo waddanka Soomaaliya kamida.

Haddii aan meelaha bilicda san ee Soomaaliya inyar kasoo qaadanno waa kuwan: 

  • Beeraha mooska iyo cambaha ee Afgooye
  • Bacaadka Shalanbood
  • Gacal Libaax [Hargeysa]
  • Ceelaayo iyo Qaw
  • Webiyadda Jubba iyo Shabeelle
  • Karin Heegane oo u dhexeeya Laasqoray iyo Ceelaayo
  • Hilayo oo udhow karin-heegane
  • Biyaxireenka Baardheere
  • Xeebta Jasiira
  • Togga Baalade oo udhow Boosaaso
  • Buuraha Sil-siladda Goolis
  • Ceelka Yamayska oo u dhow Gaalkacayo
  • Xeebta Warsheekh
  • Buurta Baxaya iyo Buruc
  • Gacan-boogame oo u dhow  Laascaanood
  • Dooxada Ceeriye oo u dhow Qardho iyo Iskushuban
  • Afgooye, Balcad, Xamar, Baraawe, Marka, Hobyo, Eyl, Saylac, Hargeysa, Burco, Kismaayo, Boosaaso, Jilib, Jamaame, iyo kuwo kale oo aanan halkan kusoo koobi karin.

Souce : Somalitalk.com
Qore: Maxamed Cali
Webmaster@somalitalk.com

Qoraaladaan oo aan diiwaan ahaan u hayey waxaan kasoo qoray buugaag aan ka akhriyey Jaamacadii Soomaaliya [Gahayr], ka hor 1991.

_____________________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com