Uncategorized

Askari Mareykan ah oo lagu xukumay 82- sano oo Xabsi ah kadib markii uu sameeyay Dhacdo Xanuun Badan aadna loola yaabay?

iftineducation.com – Kip Lynch oo ka mid ah ciidamada milatariga ee dalka Mareykanka dhawaana kasoo laabtay Dalka Afgaanistaan uu u joogay Howlgalo Milatari ayaa waxaa la soo taagay maxkamada ciidamada Mareykanka kadib markii lagu helay dambi ah dil xaas.


Askarigan ayaa lagu eedeeyay in uu dilay Racquell oo aheyd xaaskiisa oo 19 jir aheyd iyo cunugiisa yar ee Kyirsta oo 8 bilood jira waxaana uu dilkaan fuliyay Kip sanadii 2010-kii isagoo jooga dalka Afgaanistaan 


dood dheer ka dib maxkamada ayaa ku xukuntay ninkan dilay xaaskiisa iyo cunugiisa yar 80 sano oo xabsi ah iyo ganaax lacageed oo dhan 50,000 oo doolarka Mareykanka ah 


qareenka ninkan u doodayay ayaa sheegay in xukunka lagu riday Kip Lynch uusan aheyn mid cadaalad ku dhacay waxaana uu ku dooday qareenka in uu cabsanaa markii uu falkan guracay geysanayay ama uu kula kacay xaaskiisa dil bareer ah


Judge Micheal Span oo ah xeer ilaaliyaha maxkamada ciidamada Mareykanka ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters in aan la aqbali doonin mar-marsiyaha ciidanka mareykanka ee ah in markii fal dambiyeed galaan ay yiraah-daan waan sar-qaansanaa 


Yereth Rosen oo joogay goobta ay dacwada ka socotay ahaana tabiyaha wakaalada wararka ee Reuters ayaa sheegay in uu kip lynch ka qooma-meeyay falkii xumaa oo uu sameeyay


hayeeshee isku-soo duub falalka noocaan ah sida dil xaas dil caruur iyo dil waalidba ayaa ku badan dhamaan gobolada ku yaala dalka Mareykanka 



____________________________

Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com