Uncategorized

Akhwaanul Muslimiin oo Qabtay Hogaanka Baarlamanka Mesir

Tokoh Ikhwanul Muslimin Pimpin Parlemen Mesir
Tokoh Ikhwanul Muslimin Pimpin Parlemen Mesir
Dr Mohamed Saad Al Katani 
iftineducation.com, KAIRO – Kalfadhiga doorashada gudoomiyaha baarlamaanka Mesir, Isniinti (23/1), waxaa ku guuleystay sekretariga xisbiga Huriyah Wal, Dr Mohamed Saad Al Katani Oo 59 sano jir ah ayaa loo doortay gudoomiyahay baarlamaanka asagoo ku guuleystay cod dhan 399 cod wadarta 508 xildhibaan oo codeyneysay.

Xisbiga Huriyah Wal waa garbaha siyaasada Ikhwaanul Muslimiin. Waqtigoo hogaaminaayay wadanka Mesir madaxweynihii hore ee Husni Mubaarak, Xisbiga Huriyah mamnuuc ayuu ka ahaa arimaha siyaasada, hadana Katani waxow jibiyay rikoor ah inoow noqday hogaamiyaha Ikhwanul Muslimin ugu horeeyay oo hogaamiyo baarlamaanka taariikhda Mesir.

Khudbadiisii, Katani waxow balan qaaday inow ilaalinaayo amaanada loo dhiibtay kacdoonka shacabka Mesir iyo inow dhisaayo wadanka si dimoqradis ah. Katani waxow si gaar ah ugu mahad celiyay hogaamiyaha madaxa sare ee militariga (SCAF) ee awooda lawareegay kadib dhicitaankii dowladi Husni Mubaarak< Marsekal Mohamed Husein Tantawi oo lasheegay inow kaso baxay balantiisa qabashada doorashada baarlamaanka.

Doorashadaan oo amaankeeda saa’id loo adkeeyay inkastoo jawiga magaalada Kairo iyo wadanka intiisa kalaba aman ahaa. Dukaamada iyo suuqyada caasimada Mesir howlaha sida caadiga ayey ugu socdeen.

Inkastoo banaanbax yar lagu dalbanayay nabadgalyo oo kadhacay banaanka dhismaha baarlamaanka, dadka banaanbaxayay ayaa waxey aheeyn taageerayaasha Ikhwanul Muslimiin iyo Salafi ayaa ku soo kulmay hareeraheeda.

Isgooyska ween Tahrir oo noqday calaamad xudunta kacdoonka ee bartamaha Kairo, oo u dhaw dhismaha baarlamaanka ayaa caadi ahaa, ayadoo laga cabsanaayay inow noqondoono bartamaha banaanbaxayaasha intey socoto doorashada baarlamaanka.

Shacabka Mesir ayaa indhaha kuwada haayay doorashada baarlamaan, ayadoo isla marlintaasi maxkamad lasoo taagayay Mubaarak ayaanan helin wax indhaha ku haayay bulshada Mesir.


w/q: Aden Abdi

________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com