Uncategorized

Abwaan Soomaaliyeed oo Curiyay Hees Wadani oo Qiiro leh baadi goobna ugu jira Fananaiin ku luqeysa(Aqri Miraha Heesta)

Abwaan Abdirashiid Omar ah oo ah abwaan da’yar kuna nool magaalada Bandung dalka Indonesia ahna Engineer kuna takhusay Production System and Quality Control kana baxay jaamacada Pasundan University ayaa curiyay hees wadani oo kicineeso dareenka dadka, 

abwaanka ayaa doonaya in heesta uu isaga curiyay shaqsiyan in ay ku luuqeeyaan fanaaniinta Soomaaliyeed caalamka ku nool maadaama abwaanka uusan aqoon buuxda ulaheen fanaaniinta ama uusan heen meel uu kala xariiro fanaaniin taas, abwaanka wuxuu ka codsanayaa ,fanaaniinta Soomaaliyeed in ay heesta ku luuqeeyaan, heestaaan uu qaaday abwaanka ayaa noqon doonta sanadka 2012 ka heesaha ugu wadanisan uu qaado fanaan Soomaaliyeed, miraha heesta ayaa ah sidtan: 
Shimbir baalka lahayo ama boogi kutaalo buubitaan karimeysee 
Soomaali wey kala beeyrtay mudo wey bahdilneede bal baraaruga maanta
Baadi goob nabad waarta hadii aan u bareerin iska soo biximeyse
Cudurkaan nagu baahay barta uu kabilowdo baaritaan kusameeye bal baraaruga maanta
Cadowgaan nagu beermay iyo ceebtaan soo burqaneeyso kuwi baaskan bilaabay
Kan baaruuda ridaayo iyo ruux power ku faano Bush bac waan ku bislaanaye bal baraaruga manta
Ineey baahi naleeyso iyo been la dhadhaabay ururo baabi’in mooye 
Aan bishaara aqoonin diinta beenta kasheega yaanan baaq ka dhageeysan bal baraaruga manta
Baarlamaan isku buuqo midan book abid qaadan B iyo T an garaneeynin 
Oo beel beel lagu keenay ninka beesada siiyo iyagoon sharci beegsan 
Badal booska ku geeyo yaanan baaq ka dhageeysan bal baraaruga maanta
Dowlad booli cuntooy ah four point five lagu keenay badbaadada shacabkeeda
Inay baaqi ahaato iyo bililaqo uuga horeeyso badda uu baari nasiiyay
Dunida beeca u geeysay baadil beey ku heshiise balan ay fuliyaan iyo yaanan baaq ka dhageeysan bal baraaruga maanta
Baryihi ina dhaafay bur burkii ina gaaray xumaan taa kabalaaran bohol beey qodayaane 
Si barwaaqo u gaarno baqdin iyo been iska tuura hir badweeyn kayimaday iyo
Shacabkoo is baheystay cid mabaajinkareeyse boowdka soo dhex jibaaxa 
Bulshadoo isku biirsan bartilmaan adag yeesha banana baxweyn kasameeya
Inta ay kabaxaayan billahi dhaar ku adkeeysta inaan meel u bariiqan baladaan ha ina dhaaftee bal baraaruga maanta. 

abwaanka waxaad kala xariiri kartaaa hadii aad ubaahato cinwaandaadan hoosta ku qoran, sidoo kale abwaanka wuxuu curiyay heeso jaceyl aan wali lagu luuqeen. 
E-mail: rashkatekemail@hotmail.com 
facebook: https://www.facebook.com/albeezi 
W/Q: Daalac Daahir Shoot

Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com