Uncategorized

350 Malyuun Oo Qof Ayaa Kasoo Booqata Facebook Mobile-ka.

Benedict Evans, oo ah mid kamid ah analyst ee Enders Analysis ayaa soo bandhigay datada laga soo bilaabo 27 Desember 2011. Wadarta 800 malyuun ee ka isticmaasha website yada sosial ka mobile-ka. 350 malyuun oo kamid ah waxey isticmaalaan Facebook-ga. Tiradaan waxey kamid tahay wadarta guud ee isticmaasha Mobile-lada sida iPhone, iPad iyo iPod Touch, Android, BlackBerry, feature phone, Symbian iyo Windows Phone.

Daraasaatkan lasameyay waxaa lagu soo bandhigay in malin walbo 58,5 malyuun oo qof oo isticmaala iPhone iyo iPod Touch ay ka soo galaan Facebook. Ayna soo raacdo 59,7 malyuun qof oo isticmaala Android ay ka soo galaan Facebook-ga maalin walba. Sidoo kale dadka isticmaala Blackbery ee ka soo gala Facebook-ga maalin walba ayagana gaarayaan 30,1 malyuun oo qof.

Kaliya 8,8 malyan oo qof oo isticmaala feature phone ayaa ka soo gala Facebook taleefanadooda.

Intaas waxaa sii dheer, inkabadan 100,4 malyuun ee isticmaasha iPhone iyo iPod touch ayaa ka soo gasha Facebook-ga lagudaray Android oo 87,8 malyuun qof kasoo isticmaasha bil walba. Inta isticmaasha BlackBerry oo gaareysa 48,6 malyuun oo qof bishi kasoo gasha Facebook-ga. Saas etahay inta ka soo gasha feature phone,iPad,Symbian iyo Windoes Phone wali waxey ku jiraan tirada ugu hooseeysa oo gaareysa 38,6 malyan, 16,6 malyan, 8,2 malyan iyo 1,1 malyan oo isticmaasha bishii ayaa kasoo gasha Facebook taleefanadooda.



Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com