Uncategorized

Walaalow I Fur Waxaan Guursanaa Nin Kaa Dhaqaalo Badan !!!Cajiib Dhacdo (Yaab iyo Murugo Badan)Q-2aad

Qisadan oo Shalay Inoo Mareysay Xasan oo Ku Qasbanaaday in uu Furo Xaaskiisii Uu Ifka Ugu Jeclaa Isla Markaana Sidaa ay Ku Kala Tageen Ayadoo Dhaqaalo ay Ka Raacday Xaaskiisa.Maanta Qeybta Ugu Dambeysa Ayaan Idin Soo Bandhigeynaa Insha allah.

Maryama Markii uu Furay Ninkeedii Durba Maba Aysan Daahin Oo Waxa ay Dag Dag Ula Xariirtay Ninkii u Balan Qaaday Dhaqaalaha ee Ku Qasbay In Ninkeedii ay Iska Furto Waxa ay Usheegtay In Arintii ay Sameysay oo Haatan ay Tahay Madax Banaan Diyaar u Ah Guurkiisa Balse Codsatay In Wiilka Loo Keeno Marka Hore Isla Markaana La Siiyo Lacagtii Laga Balan Qaaday,
Waxaa La Siiyey Lacagtii Qeyb Ka Mid ah 3,500 oo Doollar Inta Kalana Kadib Ayaa Lagaa Siinaa ayaa Lagu Yiri Balse Nasiib Daro Maryam Waxaa Looga Baxay Guud Ahaan Balamadii Kale ee Loo Sameeyey Waxaana Loo Sheegay in Hadii Intaa ay Dan u Tahay Kusoo Raacdo Hadii Kale ay u Laabto Ninkeeda, Waxaa Sido Kale Si Jees Jees ah Lagu Yiri Adaa Markii Hore Ninkaada Kasoo Raacay Dhaqaalo Hadii aad Is Waasho Haatan ba u Laabo Hadii aad Doonto,
Hadalkaa Maryam Waxa uu Ku Noqday Mid Niyo Najab Weyn ay Ka Qaaday Isla Markaana Dhaxal Siisay Murugo iyo Tiiraanyo Taa oo ay u Dheertahaya Shaleyto. Horaa Loo Yiri “Shaleyto Ma Horeyso ee Waa ay Dambeysaa
Halkii ayey Isaga Soo Dhaqaaqday Ayadoo Cago Jiideysa Guuldaro Dhabarka Soo Saartay Ma Taqaano Halka ay Ku Laabto Ninkii Jeclaa Ayadaa Dhaqaalo Ka Dooratay,Kii Ay Raacdayna Ujeedkiisu Maba Aheyn Guur ee Waxa uu Rabay in uu Kala Keeyo Lamaanahaan Nolosha Adag Ku Jira Hadana Isku Jacel Balse Waa Uu Ku Guuleystay Isagoo Adeegsanaya Dhaqaalo,
Maryam Lacagtii Barka aheyd ee La Siiyey Waxa ay Soomaaliya Kaga Soo Kaxeysay Walaalkeed Ka Yar oo Ay Keentay South Africa Waxa ayna Iminka Ku Jirtaa Nolosha Mida u Liitada Magaalada oo Dhan Waxa ay Ka War Heshay Qisada Ku Dhacday oo Dhalinyarada ay Ku Sheekeysanayaan Habeen iyo Maalin Ayadu Ceeb La Joogto Magaalada Mana Ku Laaban Karto Ninkii Ay Xumeysay,Walle Nabsigu Waa Halis. 
Dhamaad
Hadaba Aqristow Sidee u Aragtaa Sheekadaan? Saameyn Ceynkee ah Ayey Kugu Yeelatay Intaa Aqrineysay ? Maxaase Maanta aad Talo ah oo aad Siin Laheyd Xasan iyo Maryam ? Dhamaan Jawaaba Kusoo Hagaaji Cinwaanka Hoos Ku Qoran.

W/Q  C/laahi Qorshe 
Qorshe11@hotmail.com
Capetown South Africa