Uncategorized

SUNTA KU DUUGAN SOOMAALIYA – QAYBTA 8AAD

XAQIIQADA IYO XOGTA QASHINKA IYO SUNTA LOO DHOOFIYO SOOMAALIYA

Daabacaad: December 10, 2000 

Qaybta 8aad 
4. DHIBAATADA ILAA HADDA QASHINKAASI KEENAY 
Waxaa aad ugu soo kordhay qaar kamida dhul xeebeedka sida agagaarka Marka kansarka ku dhaca carrabka iyo qanjirka Triode-ka. Waxaa la xaqiijiyey dhalashada dhallaan badan oo aan dhismaha jirkoodu ahayn mid caadi ah. Waxaan ilaa hadda la ogeyn natiijadii ka soo baxday baaritaan ay sameeyeen qaramada midoobey oo la xiriiray laba qarax (explosions) oo aad loola yaabay si isdaba joog ahna uga dhacay, taariikhdu markay ahayd 5-tii iyo 7-dii bishii Dicember ee 1995-kii dhulka u dhexeeya gobolada Sanaag iyo W/Galbeed tiiyoo laga maqlay iyadana gobolka Sool. Maalmihii qaraxyadaas ka dambeeyey dad badan oo goboladaas deggan baa dhibaato kala kulmay xagga neefsashada.
1997-kii dhulka xeebtaa ee u dhexeeya Mudug iyo Nugaal ayaa dad waxay cabbeen biyo ku jira foosto deednna si degdega ayey u sakaraadeen tiiyoo dhiig-bax caloosha, afka iyo sankaana lagu arkay. Aakhirtu qaarbaa u geeriyooday arrintaas awgeed intii kalana waxaa loo qaaday isbitaalka M�dcine Sans Fronti�re ee magaalada Kismaayo. Arrintan mid aad ugu eg ayaa ka dhacday tuulo la yiraahdo Calanley ee gobolka Galgaduud bishii agoosto ee 1998-kii iyo Bulo- Barakoow oo ah gobolka Baay.
Bilihii Janaayo iyo Febraayo ee isla sanadkaas waxaa Shabeelada Hoose ku dhintay tobonaan qof oo lagu arkay dhiig-calooleed. Tani waxay kaloo ka dhacday Sh/dhexe (Cadale iyo Ruun Nirgood) isal sanadkaas bishii Juun.
Baaritaan uu sameeyay nin Caalim ah oo u dhasshay Algeria lana yiraahdo Khadem Amoudi ayaa sheegay in dhimashada faraha badan ee sannadadan ku timi geela soomaaliyeed ay u badantahay inay keentay sunta lagu aaso wadankaas.
Dr. Pirko Heinonen oo u shaqaysa UNICEF fadhigeeduna yahay Baar-dheere ayaa sheegtay 1998-kii in magaaladaas cudur aan la aqooni dadkii xasuuqay oo in kayar laba bilood gudahood ay ku dhinteen illaa 120 qof dhiig-bax sanka iyo cirridka iyo xummad baana astaan u ahaa.
Dossier-kii suxufiyiinta ka tagtay dalka Talyaaniga ee ka tirsanaa jaraa’idka la yiraahado Famiglia Cristiana oo toddobaadle ah iyo qaar ka tirsan joornaalka la yiraahdo ” La Repubblica” oo isna maalinle ah (daily) waxay ku soo gabagabeeyeen in dhawaan (1998/99) la dhawrayo in la soo af-jaro baaritaan ay waayahanbba wadeen maxkamado dhawra oo talyaani ah oo ku shaqo leh baaritaanka dhoofinta qashinka noocana iyo waliba hub iyo lacag xaaraan ah.3


3Nasiib darro maanta oo taariikhdaas labo sano kasoo wareegtey ayaanay jirin wax horumar ah oo caynkaas ah oo kasoo baxay maxkamadahaas dacwadoodii. Qaar weli way socdaan sida tan Asti iyo Milano hase yeeshee kuwo aad loogu hanweynaa ayaa baabkoodii la laabay kaddib markii, sida la tuhunsanyahay, longo Manus ee siyaasadda sare ee talyaanigu arrinta faraha la gashay. Bisaddu dad soo wada dhaatay ee ma boqorkay u socotaa???


5. GABOGABO IYO GUNAANAD
  1. Arrimahan ayaa ah inta badan kuwo dadan oo daboolan oo ay adagtahay in wax saas ah laga ogaado. Si kastabase haddii la tixgaliyo inta aynnu halkan ku soo bandhignay waxaa la dhihi karaa way ku filantahay in la la caddeeyo ama la tusaaleeyo sida dalalka Swizerland iyo Italy ay ugu xad-gudbeen xuquuqda aadanaha ee ummadda soomaaliyeed waqti waddanku meel halis ah marayey kolkaasoo ay u masaafuriyeen waddankaas qashin iyo sun aad halis u ah oo aan dhibtiisa intii qarniyaal ah laga soo waaqsan karin. Sidoo kale dhoofinta qashinka suntaah waxaa markasta ku lammaansanaa dhoofinta hubka la isku gumaado oo sii huriyey dagaalka sokeeye kooxaha iska soo horjeedana hubaynayey. Waxay kaloo ku xad-gudbeen Qawaaniinta caalamigaa ee u taal adduunweynaha. Inkastoo aan Talyaanigu markaas saxiixin weli Axdigii Basel, Swizerland way ku jirtay waddamada xiligaas saxiixay heshiiskaas. Talyaanigu, laakiin, xilligaas wuxuu ahaa waddanka kaliya ee saxiixay heshiiska LOME� IV ee iskaashiga xagga dhaqaalaha oo ka dhexeeya waddamada soo koraya ee la isku yiraahdo ACP. Heshiiskan qodobkiisa 39-aad wuxuu si cad u mamnuucayaa in waddamada beesha dhaqaalaha ee yurub ay qashinkaas halistaa u dhoofiyaan waddamada ACP oo Soomaaliya ka mid tahay. Sidoo kale qaraarka tirsigiisu yahay 44/226 ee Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay (1989) ayaa isna mamnuucayey arrintaas.
     
  2. Iyadoo tan sare la tixgalinayo waxay u muuqataa in waddamadaasi gar loogu leeyahay arrimaha soo socda: Magdhaw waafi ah oo caddaalad u sameeya guud ahaan Qaranka Soomaaliyeed iyo gaar ahaan dadka sida gaarka ah dhibku uga soo gaaray falalkaas argagixisanimo (ecoterrorim); Arrinta mag-dhawgu waxay leedahay “legal precedent” oo tusaale ahaan inta la ogyahay talyaanigu wuxuu la galay dalka Nayjeeriya heshiis (Memorandom of Understanding) kaasoo dhigaya in Talyaanigu maalgaliyo mashruuc loogu yeeray “Systematic Program of Decontamination, Restoration and Post-impact Monitoring“. Sidoo kale Talyaanigu dib buu ula soo noqday qashinkiisii oo ahaa 18 kun oo tunuug ah laguna qiyaasay 4 kun oo tan. Sida daraasadda jaamicadda Washington heshay Wasaaradda Deegaanka ee Talyaanigu waxay kaloo bixisay/bixinaysaa 14.3 malyan oo doolarka maraykanka ah oo magdhaw ah. Haddii 4000 oo tan oo weliba dib loola soo noqday intaas oo magdhaw ah laga bixiyey, iyadoo MOU uu ballanqaadayo intaas ka sokow wixii mustaqbalka soo baxa in la qiimayndoono, bal haddaba soomaalidu ha xisaabiso inta uu le�egyahay magdhawga toban milyan oo tan oo wasakhdaas ah iyo inta kaloo aan la ogayn. Hubaal waxaa ah inaan, dunida maanta joogta, cidina cidla u saarayn xuquudeeda uu leeyahay dulmanuhu oo haddii taasi suuragal tahay marka hore ayaanba la isku xad-gudbeen. Waa bulshada dulman iyo haddii ay Qaran qareen u noqda leedahay kuwa ay tahay inaan xaqaas soo dhiciyaan;
     
  3. Talyaaniga oo ilaa hadda sheegay inay arrintan hubaan waa inay ugu horrayn gacan ka geystaan tilmaamidda iyo map-ku muujinta dhulka iyo xeebaha la sumeeyey oo ilaa hadda dadka, duunyada iyo xayawaanka kalaba halis weyn ku haya. Waqtigoo sii durkaa wuxuu sii siyaadinayaa halista ka iman karta qashinkaas waayo sida laga dhaxlay waayo-aragnimadii lagala kulmay xaalado kuwan la mid ah sida tii Nayjeeriya ee isla Talyaanigu ka dambeeyey inta badan qashinkan baa ah mid ku jira tunuug (drums) iyo foostooyin (barrels) aan laga taxaddarin looguna talagalin qashin noocaas ah kuwaasoo marka cimilada kulul ee huurkaa ee Africa la geeyo si degdega u mirira/maaraysta deedna suntaasi bilowdo inay bannaanka u soo baxdo/qubato oo gaarto kuna faafto degaanka oo idil (ciidda, biyaha, hawada, iwm). Sidaa awgeed waqtigu aad buu qaali u yahay markan oo kale. Lama sugi karo wax dambe.
Waxaa kaloo qoraaladan ka soo baxaysa baahida loo qabo in baaris cilmiyaysan oo degdeg ah lagu sameeyo arrimahan taasoo u baahan khubaro noocyo badan isugu jirta. Way habboonaan lahayd in Soomaaliya laga diiwaan geliyo dadka iyo deegaannada si gaara wax uga soo gaareen dhibkaas. Waa in la hubiyaa meelaha looga shaki qabo qashinkaas oo dhan iyadoo waraysiyo badan lala yeelanayo dadka sida gaarka ah ugu dhow dhulkaas sida dadka deggan xeebaha, kalluumaysatada, iwm. Sidoo kale way habboonaan lahayd in la baahiyo wixii ka soo baxa raad-raacaas;
 
  1. Waa lama huraan in la diiwaangaliyo wax kasta oo raad-raacaas caawin kara sawirro iyo video si xirfadaysan loo sameeyayna laga qaado wax kasta iyo meel kasta oo looga shakiyo inay lug ku leeyihiin arrimhan;
     
  2. Waxaa lama huraan ah in dadka looga digo inaysan ku degdegin waxyaalaha aysan aqoon oo badaha ka soo caarya ama ay berrigaba kula kulmaan siiba dhulka xeebaha u dhow kuwaasoo naftooda halis galin karta isla markaasna lala socdo isbedelka caafimaadkooda ee mustaqbalka.
6. REFERENCES (TIXRAAC)
5.    www.tinet.ch
6.    www.corriere.it
7.    www.stpauls.it
8.    www.stpauls.it
15. Merosi, Mauro; Somalia (1995), Edizioni SEAM
16. International Maritime Organisation; The Protecion and Sustainable Development of Somalia Marine Environment Seaports and Coastal Areas Project (1998);
17. Hao-Nhien Q. Vu; The Law of Treaties and the Export of Hazardous Waste (1994), UCLA Journal of Environmental Law & Policy, University of California 


Qore: Bashir Sh. Mohamed
PhD | Researcher
Email: shakiib@hotmail.com