Uncategorized

Sheeko Jaceyl: Alla Muxuu sidaan iigu galaa miyuu bini aadam aheen (Qeybtii 5aad)

Gabadhii ayaa tiri alla tuug weeye wuu i  dhacayay, sidii nin tuug ah ayaa la iqabtay oo la i xiray, waxaana la igu bilaabay dil iyo jugees qofkasta oo wadada maraya dhagax ayuu igu dhuftaa, jirkeyga oo idil waxaa harqiyay dhiig, meel kasta daqar iyo dhaawac ayaa iga soo gaaray,  waxaana iisii dheeraa qorayga baadkiisa ayaa sixun la iigu gaaracay kadibna waan suuxay waana miir doorsoomay, sidaa la iguma sii deen habeen barkii markii ay tahay ayee dhagax wayn aadna u culees badan xabadka iga saareen ilaa laga gaaro maalinkii wuu isaarnaa, waxaan noqday qof naqaska ku dhaga, hunqaaca dhiig,  hadalna uusan afkeyga ka soo bixi karin, gabar iyada taqaano anigane itaqaano ayaa waxay soo maqashay in ay saaxiibteeda xalay tuug uu alaab ka xoogi rabay kadib tuugii la qabatay, gabadhii wajigeyga ayee garan wayday waayo bararka iyo dhiiga  ayaa daboolay wajigeyga, meeshii ayee iyadane laad iyo haraanta iiga sii bilaawday iyada oo umaleysa waxay garaaciisa in uu yahay tuug, waxaa la gaaray xili duhur ah qoraxda magaalada Muqdisho ay aad ukulashahay waxaana la i dhigay wadada dhexdeeda, aad waxaa ii gubay kuleelka carada (ciidda), mar casirkii lamarayo ayaan afka waxaan ka keenay dhiig iyo xumbo,   waxayna dhaheen yuusan idinku dhiman iska sii daaya, waa la isii daayay mana socon karo, xitaa ma awoodo wax dhaqaaq, waan awoodi waayay gurguurasho, meel ii fiyow malahan, kadibna waxaaa la igu fasaxay caruurta xaafada mid dhagax soo tuuro iyo mid tuug tuug i dhaho ayuu gabalka iigu dhacay. Marna gabadha kama jixin jixin waxa isoo gaaray, 

Gabadhii iyada iyo aniga nataqaanay ayaa soo ogaatay qofka aan ahay waxayna ka soo ogaatay saaxiibteeda waxayna iitimid iyada oo ilin ka socoto, waxayna ku tiri dadka xaafada wiilka ma ahan nin tuug ah, waana asxaabteena, qalad ayaa sidaan ugu gasheen, gabadhii ayaa la waydiiyay qoloda aan ahay,  markii cidkasta maqashay qolada aan ahay qofkasta wuu dhuuntay isaga oo leh aniga kama qeyb qaadan dilka, mooryaanta ku nool guriga gabadha ayaa dhahay aan is dhaafsiino (dilno) ninkaan waayo laba joorba ma ahaan doono kuwa la cafiyo, gabadha aabaheed ayaa yiri dulmi inta aan sameenay ayaa nagu filan hadii uu ogolyahay ehelka wiilka wada xaajood diyaar ayaan la nahay.
Goobtii ayaa Taxi la iiga soo qaaday waxaana la ikeenay mid kamid ah hospitaalada magaalada Muqdisho, waxaan ku jiray hospitaalka 15 maalin,   aad uma wada bogsan laakiin xanuunkii tirade badnaa wuu iga yara dagay, waxaan soo gucaday xanuunkii iyo ciqaabtii aan lakulmay gabadhii iyo reerkeeda waxaana iri Alla dumar u xumidaa markaan kuu dadaaloo dahab kuugu deeqay dableey aan damir nixin inaad soo dirtaayoo ka dalbato in leey dilo waa kuu damiir xumo, Rafaadkaan maray waa mid jirkeygi wada dimqadaye Reerkoodi markan tagay waa kuwaa igu wada shamuumaye Raxan raxantoodii waa kuwaa ila dhacay budadyo waweyne Ragii ii arxami lahaayna waa anigaa ka soo tagaye Ruqaansigii waa anigaa leymooday geesi niman ka hiisheene Rabigey haduu idmana jeerdanbaan gudan gucashadeeydaane Rafaadkan maray waxa igu jarabay waa doqonti dheereede Rabbi baana og ani waxan gacashadoo siiyay Arxan daradeedii waataa goortan u tagay qeyla dhaansataye Rag maahi oo rugta soomaali kamaan dhalan hadan raxan raxan u weerarine Rag maahi doqontiyeey  reerkaadu iyo adigu hadaan meedkoodu mid mid isku dulsaarine jirdilkii doraad dhacay waa deyni kuugu maqan xaqa leeskama dabooloo hadaad doqon u muuday dantii garad ayaan ahay durba aarsanaaayee dadka adiga kugu dhaw fariin baan u dirayaa hadii aad is daba qaban dabaqa aad I saartay dad dag uugu soo dagin daibin baan dhigaayaa markaad dalaq tiraahdaan adinkoon digniin qabibin lafihiinaan dubayaa diihaan jaceyl iyo daacad nimo ilaabaye diidmadaada aawgeed adna waan ku dilayaa Intaa markii aan tiriyay guduha ispitalka waan ku jiri waayay ciil iyo caro darteed, waan soo dhuuntay xiligii la iigu talagalay in aan hospitalka ku jiro ma aanan sugan, waxaan aaday goob aan ku ogaa ciidamo aan ehlnay,  waxaan ku iri iyagii:
Doqoan baa walaalkii ku eegta dilka
Damiir nin leh uma dulqaata silacaan igu yaale
Dadnimo ayaan idiin soo jirsaday ii garaaba
Daqarada igu yaalo waxaa ii geestay waa nin asaagiina oo hubeesan
Duulaan baan idinka doonaya iyo inaad wax dishaane
Dood dheer kadib aniga iyo ciidanka waxaa la ii soo jeediyay in la dilo gabadha habeen madow aan weerar la qaadin, iyada bas la mashimo, waxaan ku iri waan uqabaa dilka iyada, ciilka inkastoo uusan iwada dayneen laakiin mudo wuu ii noqon karaa sabar.
Intii uusan dilka dhicin cida gabadha waxay ahayeen kuwa ku jiro baqtin iyo cabsi waa kuwa markasta fishta dagaal, waxayna go’aan sadeen in ay soo dirsadaan ergo kala dhexgala ama waan waan la xaliyo wixii lakala tabanaayo.
Aniga iyo mooryaanta kuma qanacsaneen waawaanta iyo nabadda, waxaan aheen kuwa wata qorshahoodii qarsoonaa, waxaan dagnay shaxdii lagu dili lahaa, waxaan isku hubeenay biskoolada, habeenkii oo idil waxaan aheen kuwa meer meereesta jidka hormara gurigooda, nasiib wanaag waxaan aragnay iyadii oo ka soo baxeysa dukaan gurigooda u dhow, qofkasta oo inaga mid ah biskooladaha ayuu la soo baxay, waxaana naga wada go’an in aan dilno.
Isbadal ma igu dhalan doonaan? Ma noqon doonaa mid ku adkeesta dil? Xaalada sidee noqon doontaa? Wax yeelo ilaa heerkee ah ayaa soo gaari doono?  Ma nooqn doonaa in ku qanco dilkeeda masa waxaan ahay qof aan qancin? Dilka miyuu naga fashilmi doonaa? Waxaas oo idil waxaad ka bogon doontaa adiga oo isha ku haya markasta Qeybta 6aad iyo talaada kasta InshaAllah.
W/Q: Daalac Daahir Shoot