Uncategorized

Sheeko Gaaban (marna waa hammi, marna waa damac badni, marna waa ila qosol)

 Waa aabe Somaliyeed, wuxuu ahaa nin ka ganacsada ukunta doorada(digaaga), ukunta uu ka ganacsado ma ahan mid aad ubadan, hal dukaan ayuu ugeeyaa uu macaamil uyahay.
Maalin ayuu wuxuu tagay dukaankii uu egeen jiray ukunta,  waxaa buuxay dad badan oo wax ka iibsanayay, milkiilhii dukaanka ayaa ku yiri walaalow,wax yar isug dadkan ayaan iska kala diraa, waan isku soo jeesan doonaa, aabihii  ukunta  meel ka yara duruqsan dukaanka ayuu fadhiistay, fadhigiisa wuxuu ah mid kadaloob ah, wuxuu ku fadhiyay bakooradiisa (salka iyo dhulka waxaa u dhaxeeyo bakooradiisa), wuxuu bilaabay in uu fikiro aabahaan, maskaxdiisa ayaa baxday isla markiiba, fikirkiisa wuxuu ahaa sida uu ukun ugaadaayo kadib uu noqdo nin ka ganacsada subaga iyo malabka kadib uu soo iibsado Ari kadib tacbo arigaas kadib hadane noqdo nin lo’ leey ah sida uu lo’da utabcanaayo isku badalo nin geeley ah, markii geelo uu ubatay ayuu guursaday naag, naagtii waxay u dhashay wiil Maxamed la yiraahdo, maxamed kii ayaa usoo qaan gaaray, wuxuu bilaabay aabaha in uu ka dhigo wiilkiisa mid geela raaco (qowsaar).
Maxamed wuxuu bilaabay in uu ka madax adeego amarada ka imaanaya aabihiisa, aabhihii wuu xanaaqay wuxuu maagay canaano wiilkaaga ee garaac, bakooradii uu waday ayuu la dhacay ukuntii uu watay isaga oo isku heesta ama isku maleeya in uu wiilkiisa tumaayo ama garaacaya, sidaa waxaa uga jajabay ukuntii uu iibinayay, waxaas oo fikir ah wuxuu ku fikiray intii yareed ee la yiri isug.
sheekada: waa qiso la iiga sheekeeyay
ka dhiibo fikirkaaga sida aad u aragto aabahaan?