Uncategorized

Qeebtii 1aad, Dadka sida fudud ku taajiray (Qeebtaan waxaan uga hadli doonaa nin Somali ah oo si fudud ku taajiray)

Creative nimada waa loo kala dhashtaa , maskaxda bini aadamka ah si siman uma wada shaqeyso, qof ayaa aragti dheer  leh ama isla markii maskaxdiisa kasoo butaacaneyso  idea wax tar leh, hadaba ninka aan sheekada maanta ku soo qaadan doono waa nin Somali ah kana mid noqday dadka maanta aadka taajirka u ah.



Maxamed waa nin Somali ah dagan dalka Ethiopia gaar ahaan magaalada Adisababa.



Maxamed wuxuu ahaa nin iskaabulo, nolosha aad bay ugu adkeed wuxuu ahaa nin aad u shaxaad badan, ma jirin cid ugaraabta noloshiisa liidata, Maxamed wuxuu ahaa nin luuqadaha English-ka iyo af Amahaariga ku fiicin, wuxuu nin aan balwad iyo wax yaabasha shareecada reebtay aan laheen.




Maxamed wuxuu ahaa nin aad u isticmaala internet-ka laakiin wuxuu ahaa  nin aan awoodin in iska baxsho inta saacad uu netka ku jiray, wuxuu ahaa nin lagu qoro lacagta net-ka ama inta saacadood uu isticmaalay, wuxuu iskaaga gudi jirin deenta bishii markii uu wax dhaadhac helo, inta badan wuxuu ahaa nin dadka ka codsada in uu la fadhiisto netka ama ka shaxaada daqiiqdo, Maxamed wuxuu ahaa nin ka duwan dadka kale ee sida daran u isticmaala netka, wuxuu nin aan ku lumin waqtigiisa chatting iyo wixii kale waqti lagu lumin karo, ma aheen sida dadka qaar waqtigooda badan ku lumiyada wax yaabaha aan micnaha ku fadhin. hubpages.com wuxuu ahaa nin netka ka raadiya shirkadaha ama warshadaha waxa yabaha ay u baahanyihiin, wuxuu nin isku hoolo wax yaabahaas.


Maalin ayuu wuxuu arkay isaga oo isticmaalaya netka warshad laga leeyahay dalka Tunisia oo ah warshad soo saarta coffee, waa warshada ugu wayn ee soo saarta coffee dalka Tunisia in ay uga imaado bunka ama coffee ga isagoo ceeriin ah coffee beans aan wali wax process ah lagalin dalka Brazil,taobaofieldguide.com aad buu ufogyahay dalka Brazil marka loo fiiriyo qaarada Africa, wuxuu arkay inta ton ee warshadaan kaga yimaada dalka Brazil iyo qarashaka kaga baxa, Maxmed aad buu ufikiray wuxu go’aan saday in uu shirkada la xariiro ama e-mail udiro, wuxuu udiray e-mail waxaan ahay qof beeraleey waxaan tacbaa ama beeraa bunka, waxaan awood uleeyahay in aan baahidiina haqabtiro.


waayaab waa tan waxaan oo idil balan qaadaya muxuu meel ku ogyahay?
Intii uusan helin jawaabta kaga imaaneysay dhanka shirkada, wuxuu boqosho ku adaay dhulka lagu beero bunka, wuxuu isku soo sawiray beeraha, qolada iska leh beeraha wuxuu ugu sheekeeyay in uu yahay qof ganacsada ah, kana yimiday caasimada doonaya in uu arko wax soo saarkooda,
 
Maxamed subaxa uu aadayo beeraha gaari raaciisa iyo kaamirada intaba isaga ma iskalahan, laakiin wuxuu ahaa nin hadafkiisa u qarsooonaa, wuxuu diray sawiradii uu ku soogalay beerta isaga oo ku lifaaqay fariintiisa beerta inta cabir ay ka koobantahay iyo wax soo saarkeeda inta ton ay tahay.spiritfolk.com

Mudo yar oo kooban wuxuu helay akhbaar kaga timiday dhanka warshada taas ah in uu soo diro sample kadib shirkada ay shaybaar saari doonto laguna ogaan doono tayada (quality) sample ka uu soo diri doono..cranialsoup.blogspot.com
Maxamed wuxuu bilaabay dhaqdhaqaaq aan hore loo arkin, dhibka ugu wayn ee heesta waa lacag la’aanta, waa ku dhib in uu markale ulaabto beerihii waxaa jirto baahi lacageed, is kaddaa midii uu ku diri lahaa DHL-ka, wax kasoo qaadka Allah ayaa leh wuxuu wacday wiil saaxiibkiisa oo ku sugnaa dalka Qatar wuxuuna ka codsaday in uu $150 usoo diro, Maxamed sidii ayuu kuhelay lacag dhan $150.
Wuxuu u kalahay ama u dheelmaday dhulkii beeraha maalinkii 1aad waxba sample ah kama soo qaadan, wuxuu iska dhigayay nin waa waynka, uu kala yaqaano bunka nuucyadiisa kala duwan, kana soo baxay cilmiga beeraha, wuxu ku dadaalay in uu ku yeesho meesha macrifo, wuxuu iskaaga daba laabto dhulka beeraha, wuxuu soo helay sample aan sidaa ubadnaan laakiin ku filin company-ga, wuxuu bilaabay in uu diro sample kii, wuxuu jawaab sugaba waxaa loo soo diray e-mail ah bunka aad noo soo dirtay wuxuu taya ahaan ka wanaagsan kana nooga imaada dalka Brazil, qarashka dhanka masaafada nooga baxa waa mid aad u dheer, waxaa inoo sahlan in aadiga kula galno contract waa hadii aad buuxin karto shurudaha hoos ku qoran

  1. In beeraha aad leedahay ay yihiin kuwa wax soo saarkooda la isku heleen karo
  2. In ay bishii ay soo saari karaan intaas oo ton ah
  3. In uusan dib udhac ku imaan dalabkeena aan kaa helno balan qaad buuxdo
  4. Lacagta waxaan isku dhaafsan doona Bank (Bank Transfer )
  5. Shaqsiyan waa in aad ahaataa nin aan ku lug laheen wax yaabo dambi ah

Maxamed ma cabsan wuxuu ahaa nin ay ula muuqatay in uu ka baxsan karo shuruudahaas, dhankiisa waxba culees ah kama saarna way la fududeed.
Maxamed wuxuu la aaday warqadii shuruudaha ka buuxeen dhanka iyo beeralayada, wuxuuna soo xaqiiqsaday in ay yihiin kuwa aad usahlan, isaga oo dhoola cadeynaya ayuu udir iimeel kalsooni buuxda leh, jawaab ayuu helay waxaa lagu yiri waxaa kuu imaanaya khuburo ka socoto dhankeena taas indho indheen  ku sameen doonta wax yaabaha aad nagala hadashay waxaan kuugu soo war galin doona xiliga ay soo bixi doonaan.
Maxamed wuxuu guda galay in uu aqriyo bookaagta cilmiga siiba kuwa ka hadla bunka, sidoo kale netka wuxuu ka raadiyaa data ku saabsan bunka. scienceblogs.com
Hal dhib ah ayaa ku taagan maadaama xiliyada soo socdo wafdi u imaanaya, lacag uu san faraha ku heen, wuxuu bilaabay in uu ku qeelsho wixii bah wadaag la ahaa kana dhaadhiciyo in uu mar dhow noqonaayo nin taajir, eheladiisa ayuu ku laxaawsaday in uu noqonaayo nin taajir ah la deemiyo $1000, laakiin dadka xiligaa isaga deeminaayo lacagta ma aamin sana in Maxamed lacagtaan soo celin doono.
Waxaa yimid wafdigii Tunisian ka ahaa, wuu soo dhaweeyay, isla maalinkii wuxuu u kaxeeyay dhulkii beeraha, khubaradii aad bay ugu qanceen, beeraha iyo halka ay ku yaalaan, wafdiga sadax maalin ayuu joogay, dib wuxay ugu laabteen Tunisia.
Waxaa bilaawday in uu deal (contractual agreements) ama qandaraas lakala saxiixdo, Maxamed wuxuu ku qasabanaaday in uu account bank sameesto, taas oo caqabadan kadib loo sameeyay.
Isagane wuxuu deal la galay beeralayda, wuxuu noqday nin laba dhinac ka helo lacag, mida hore oo ah lacagta deal-ka uu lagalay company ga isagane in kayar lacagtaa ayuu deal kula galay beeralayda wuxuu noqday mid meeshaas ka hela lacag, mid kale oo ah in uu ka qaato beeralayda commission, Maxamed halkii dalab ee dhaca wuxuu ahaa nin hela $17,000 (toban iyo todob kun oo doolar), sidii ayuu faqriga uga baxay, wuxuuna noqday nin aan laga maleesan taajir nimadiisa, wuxuuna noqday nin bunka Ethiopia wadama badan usii dhoofiya ilaa maantadaan, waa nin ku xisaabtama iminka lacag waa wayn, waxaa uwada furmay albaabaha gacansiga, Maxamed dalabkiisa hadii uu sii bato lacagta uu heli doono waxay noqon mid aad ubadata.

Maxaan ka qaadan karnaa oo faa’iido ah sheekada kor ku qoran

  1. Waa in uu qofka hammi la haadaa
  2. Waa in uu ahaadaa qof fursadaha banaaan raadiya
  3. Waa in uu ahaadaa qof xogta iyo baahida jirta mid isha ku haya
  4. Waa in uu ahaadaa qofka creative
  5. Waa in uu ahaadaa qof waqtigiisa aan kulumin chatting ama online uun ahaada xili kasta
  6. Baahida ayaa kubarta in aad la timaado wax qabad
  7. Waa in uu ahaadaa qofka mid la aamini karo kana fog xumaanta, aadna u sabar badan
  8. Inu u yahay ganacsiga sir, hadii ay kaa fashilmato, adigane aad fashilmeesid
  9. Waa in uu ahaadaa qof ilbax luuqadaha dadka ku kala xiriiraan qof yaqaana
  10. Waa in aadan  noqon qof cabsi badan, waa in aad qaadataa risk marmarka qaar
  11.  Ku shukri xili kasta Allah SWT, isaga ayaa ah kan wax kasta kuu qaban kara

Soo diyaarintaa Sahra Ahmed
waan soo dhaweenaa fikirkiina markasta
qisadaan oo kale waxay qabsatay nin kunool dalka Uganda