Uncategorized

Obama Oo Ka Mamnuucay Labadiisa Cunug Facebook-ga

Madaxweynaha Mareykanka, Barak Obama, ayaa qirtay inow ka mamnuucay labadiisa cunug isticmaalka facebook-ga maxayelay asiga ma rabyo arimaha familkiisa iney banaanka u baxaan. Cunugtiisa weyn Malia oo hadda ah 13 jir iyo walaasheeda kayar , Sasha oo da’deeda tahay 10 jir, ciyaalka da’dooda oo kale ah waxey bilaabeen isticmaalka Facebook-ga, laakin Obama waxow sheegay inowsan u ogolaan doonin labadiisa cunug isticmaalka Facebook-ga ilaa ay ka gaaraan 17 sano.
 Go’aankaan Obama ayaa is ilowsiinaayo inow wax badan ka caawiyay Facebook-ga iyo website yada kale ee sosial ka xiligii doorashadiisa madax tinimada ee Mareykanka xiligii 2008.
Obama xita waxa ladhaha “Madaxweynihii Warbahinta Sosial Ugu Horeyay.”
Page ka Facebook ee Obama oo gaaray 24 malyan oo “like” – wali waxow noqonaya rajadiisa inow dib isku soo sharaxo.
Waeysi oo dhiibay Obama waxow ku sheegay sababta go’aanka ilmihiisa ugu mamnuucay labadiisa cunug.
>>Maxaan ka rabnaa inaan abuurno dad badan aanan anaga aqoon iney wax ka ogaadaan arimaheena qaaska ah” ayu yiri Obama.
Waxaan arki doonaa dareenka labadiisa cunug  4 sano hadda soo socoto.

Arinta kaloo xiisaha leh Obama wali waxow aktif ka yahay isticmaalka Facebook-ga asago waliba soo galiyo sawira qoyskiisa ugu cusub isbuuci hore. sawirka hoostiisa waxaa ku qornaa “Sawirka Familka Obama Cusub” illaa iyo hadda waxaa “like” dhahday 71 kun oo qof iyo 11 kun oo komentiyo.
W/Q: Adam Abdi
admin@iftineducation.com