Uncategorized

Iska key Illow(Qiso Jaceyl oo xiiso badan)Qeybtii 17-aad

Waxaan ku arkay dad igu cusub, kadib ayaan galnay qol waxaana noo soo gashay gabar aad u carfeysa una labisan, hadaan sidaa u eegay, waaba Istarteydii. Waxaan dhihi karaa wixii markaasi ka dambeeyay, ma garan karo waxa dhacay, waxaanse ka xasuustaa in xaalka uu igu cakirmay, waxaan xitaa ku sigtay inaan naxdin dareteed la suuxo. daqiiqadahaasi, waxaan ku asteeyay kuwii nolosheeda ugu xumaa uguna naxdinta badnaa, wejiga ayaan hoos aadiyay, aniga oo ayada ka cabsanaya sidii qof ay aragtay oo ay garaneyso oo kale.

Cabaar hadaan xaalkaa ku sugna, ayaa Istar iyo Asad, oo kullankaasi uu u ahaa koodii labaad oo kaliya, sida uu isaga horey iigu sheegay ay isa salaameen, kadib ayaa Asad hadlayoo, oo Istar ku yiri “Gacaliso, wiilkan aan ku baro, waa saaxiibkey qaaliga ah, aniga ayuu ila yimid, waxaa la yiraahdaa Xamza, Xamza adna gabadhan waa mustaqbalkeyga iyo gabadha aan guursan lahaa, waa Istar”, markaasaan inta hadlka aniga qaatay, waxoogaana codkeyga bedelay, oo warkan soo koobay ku iri “barasho wanaagsan walaal”, waxaase aad u adkaatay jawaab laga helo dhankeeda, waxa ay u ekeetay sida qof dambi gale oo kale oo fiiktaal ah, dhidid baaba kasoo qubtay, wax hadal ahna ma aysan oran. 

Hadii ay iyadii sidaaa ku aamustay, aniga aan eegmo ugu dhaqaaqay baa inta Asad labadeenaba naga yaabay yiri “Istar, maxaad wiilka uga aamustay, mise barashada ayadaan ku faraxsaneyn”, kadib ayay ayada oo aad moodo inay carro ka tan badisay tiri “Wiilkan xaguu degan yahay”, “deganaasho hanoo dambeysee bal horta is barta”, baa haddana Asad yiri. Isaga inuu na iskaaya baro ayuu u hollanaa, iyana waxay raadineysaaa bal inay Xamzahan ogaato, sidaaan qiyaasayayna shaki ayaa galay. hadii xaal sidaa ahaa, ayaan aniga qidad cayaaray, si aysan ii ogaan, markaasaan inta Asad la hadlay waxaan ku iri “Saaxiibow, wax yar i sug bal banaankaan u baxayaaa”, “maxaa kugu dhacay” buu isna yiri “waxba” baan iri anoo sii istaagaya, waxaana usii raaciyay “waan idiin soo noqonaa”, “waa yahay”, buu markaa i yiri, kadibna waan iska baxay, waxaana toos u abaaray, xaafadeeda. 

Xilli ay tahay maqribkii oo kale, baa Asadkii guriga iga soo raadiyay, kadibna waxa uu i weydiiyay waxa igu dhacay, balse anoo ka kor baxaya, waxna u qarinaya, ayaan ku iri “war gabdha, soo taad aragtay inay xishood la hagoogatay, marka waxaan is iri bal sheekada lamaanaha ha qasin”, isagii baa hadalka qaatay oo i yiri haddana “nin yahow, waxaanba is iri labadan qof ma horey bay isku garan jireen”, “oo sidee baan ku iri?”, markaasuu i yiri “horta marka hore waxaan ka yaabay, sida aad u kala xishooteen, tan kalena, markii aad naga soo tagtayba aniga iyo ayada wax wada hadalo qaas ah oo na dhex maray wayba yaraayeen, oo intaas adi bay i kaa weydiineysay, wiilkan yaa waaye, xaguu degan yahay, Xamza, maxaa loogu daraa? iyo su’aalo kale, ayay raaxada igaga celisay?. 

Ninkii saxiibkee ahaa ee Asad, naxdintii buuba igu sii kordhiyay, oo waxaan is iri “armuu faalooyinkaaga oo dhan siiyay, oo isagiina wax soo ogaaday’, markaasaan ku dhahay “haye ma u sheegtay marka?”, “maya” buu igu yiri, waxaana uu ii daba dhigay “adoon kula tashin miyaan wax walba iska sheegaa, sidee kaa noqotay ma jaahil baad i mooday?, kadib ayuu saaxiibkey waxa uu igu yiri “nin yahow tuhunka aan qabo wax ma ka jiraa, oo gabadhan horey miyaad isku garaneyseen?, “maya, weligeenba isma arag oo galabtaaba igugu horeysay” baan ku iri, “, intaa kadib Asad, waxaad mooday inuu wax walba labadeena waji uu ka aqristay, waxaana ka dareemay tuhun aad u weyn, kadibna waxa ii igu yiri “ogow, hadaad wax iga qariso maalin ay ahaataba waan soo saari doonaa”, anna waxaan ku dhahay “oo haddayba jiraan waxaan kaa qarinayo soo saar”, waa yahay iyo waayahay, baana ku kala tagnay. 

Markuu iga tagay, kadib ayaan cabsi dareemay, waxana ogaaa in wax walba uu ku ogaan karo oo kaliya, isaga oo magaceyga oo saddexan iyo xaafadeeda u sheego Istar, kadib ayaan ka fekeray sidii aan uga baaqsan lahaa inaan niyad jab saaxiibkey ku abuuro, waayo hadayba Istar ogaato inaan weli noolahay oo aan wehel la ahay nin kale insayn ogolaaneyn baaa is tusay, waxaana go’aan saday inaan inta uu arooskooda ka dhacayo aan UK isaga maqnaado…………… 

La soco qeybta 18-aad Jimcaha Danbe  insha allaah. 

W/Q: Axmed Cali Sheekh “Axmed Yare”
alaxmed@hotmail.com