Uncategorized

Iska key Illow(Qiso Jaceyl oo xiiso badan) Qeybtii 10-aad

Waan fekeray, waxaana ii soo baxay qorshe cusub oo aan is lahaa aabe waad kaga bad baadi kartaaa, kaasi oo ahaaa, inaan aabe ku wergeliyo xiriirka aan la wadaagayo Istar iyo nolosha cusub ee ii bilaabtay, haddana waxaan is iri armuu aabe ku weydiiyaa arrimo ay ka mid yihiin gabadha na bar oo guriga keen iyo waxyaabo kale. Qorshihii ayaa haddana ila xumaaday, fekerkiina wuu igu sii batay, adiga, ugu dambeyn, waxaan go’aan ku gaaray inaan de dejiyo qorshaha aan indhaha ugu fiiqayo Istar, dabadeedna aan aqal gal deg deg ah habeeyo, sidaa ayaana nafteeda ku qarsaday. 

Ciilkii aan ka qaaday qorshaha guracan ee Hani, weli sidiisa ayuu ii hayay, maalinkii xigay ee sabtiga ahaa, ayaan shaqada kula kulmay, markaasaa anoo carro ay i hareeysay inta wejiga wejiga u saaray ku iri “Waa maxay qorshahan guracan ee aad ila damac san tahay”, waxba igama aysan waalin’e qosol ayayba igaga baxday, waxaana ayada oo faraxad ay ka muuqato ay igu tiri ” wax kale maahan, sideedaba markaad qof jeceshahay, waa inaad sameysaa, wax walba oo aad qofkaasi ku heli karto, marka ha la yaabin waa un dadaal aan adiga kugu raadinayo, miyaad ka xun tahay?’, “oo ma kula tahay naf aan raali kaa ahayn inaad sidaa ku heli karto?”, ayaan haddana weydiiyay, balse waxay hadal iigu koobtay ” Waan arki doonaa bal waxa ka yimaada dadaalkeyga”. 

Intaa kadib ayaan inta hadaladeeda jees jeeska u adkeysan waayay isaga tagay. la hadalkeeda wax aan carro hor leh ahayn kama aan dhaxlin, waxaanse isku qnaciyay in mar ay ahaataba aan ka adkaan doono qorshaheeda qaabta darran. 

Waqtigii ayaa is guray Jeceylkii na dhex yiilay aniga iyo Istarna waxa uu gaaray meel sare, kullamadeena ayaa batay, qalbigeeda ayay xaqiiqdii si aan hagar lahayn iigu furtay, waxa ay i tustay nolol macaan oo aan arag inta aan dunida ku noolaa, la sheekeysigeeda iyo la kullankeeda ayaaba ii ahaa farxad, oo wax aan siisan karo maanan arag, iyana si dhab ah ayay ii jeclaatay, oo toban jibaar ka badan inta aan aniga jeclaa, way i aamintay anna waan aaminay, way igu kalsoonaatay anna waan ku kalsoonaaday, taasna waxay xiriirkeena ka dhigtay mid aan la loodin karin. iyadu waxayba gaartay heer ay i tiraahdo “hadaan adiga ku waayo nolol iima jirto”, waayo jaceylka ka sokow, reerkeeda ayaan xitaa xag dhaqaale ka taageeri jiray, taasna waxay keentay in qoyska oo dhan ay ii xitiraamaan sida amiir oo kale, anna waxaan mar walba ka ballan qaadayay in inta la iga dhigayo iilka aan garabkeeda taagnaano doono, nolosheena iyo xiriirkeena sidaasi ayay isugu xirmeen. 

Haddii nolosheena ay muddo sidaa ku dhisneyd, ayaa waxaa la gaaray waqtigii aan aniga sida aadka ah u sugayay ee bisha December, oo ahayd xiliggii Istar ay ii sheegtay inuu yimaado dhaqtarka kaliya ee awooda u leh inuu fiiqo indhaheeda, maalin ay tahay khamiis, oo bishuna ay ahayd 3, ayaa waxaan qabtay goobtii la iigu sheegay inuu fariisto ee agagaarka Daljirka Daahsoo. 

Markaan goobta tagay, ayaa waxaan weydiiyay dad meesha ka og dhowaa, iyana iguma aysan daahin’e durbaba way ii tilmaameen. xaruntii ayaan tagay, waxooga dad ayaa iga horeeyay’e waqtigeyga ayaan sugay, waxaana ugu dambeyn u galay dhaqtarkii. 

Markaan gudaha u galay, ayaanba la yaaba sida uu dhaqtarka u dhallin yar yahay, iyo aqoonta uu leeyahay, kadib ayaan salaamay isna wuu iga qaaday “fariiso” ayuuna igu yiri, markaan salka dhigtay, ayaa waxa uu ii yiri “haye maxaa dhib ah oo ku heysta”, kadib ayaan bilaabay inaan bilow iyo dhamaad uga sheekeeyo sida ay Istar ku indho beeshay iyo in dhaqtarka kaliya ee daweyn kara uu isaga yahay, sida ay iyada ii sheegtay, durbaba wuu gartay wuxuuna igu yiri “waan fahmay cudurka gabadha indhaha ka galay, intiisa badanna xal looma helo, laakiin bal gabadha ii keen, si aan u eego, ogowna hadii ay noqoto in indhaheeda wax laga qaban karo, in lagaaga baahan yahay, $1000, si loogu hagaajiyo indhaheeda haddana waad sii bixi kartaaa”. 

Farxadii abid nolosheeda ugu weyneyd, ayaa i saaqday, waxaanaba aan ku sigtay inaan sare jooga ka dhaco, aniga oo meel aan is dhigo la’ ayaan kasoo baxay goobtii caafimaad ee Dhaqtarka, kadibna anoo faraxsan ayaan gaarigeygii yaraa kusoo dhacay, balse in cababar ah haddaan farxad iskula hadlayay, ayaa waxaan xasuustay inay jiri doonto caqabad dhinaca qarashka ah, waayo lacagta xilligaasi uu dhaqtarka ii sheegay gacanta iiguma jirin, hase yeeshee, waxaan is tusay inaan aabe ka qaato ama aan iraahdo i deymi, inkasta oo aanan ogeyn waxa uu ka oran doono………………. 

W/Q: Axmed Cali Sheekh “Axmed Yare”
alaxmed@hotmail.com