Uncategorized

Iska key Illow (Qiso Jaceyl oo xiiso badan) Qeybtii 16-aad

Haduu cabaar hadal iga waayay buu isaga oo is xanaajinaya igu yiri “war waad waalatay’e ee naga tag” , kadibna waxa uu ii raaciyay “micnaha waxaan ka wadaa gabadha waxaa la yiraahdaa Istar, markii aan magacaas maqlay, ayaan control-kii iga lumay, aad ayaan uga naxay runtii, ma jecleyn inay nolosheeda dib u saaqdo xasuusta Istarteydii, saaxiibkey ayaa markaas inta isla fekerkeyga ka yaabay, igu yiri “saaxiib maxaa kugu dhacay”, “waxba xusuus hore baan iska galay”, baan anna ugu war qariyay, kadib ayuu i yiri “waadba iga nixisayee!”,. 

Xaqiiqdii wax aqalbigeyga walaahowga geliyay, ayaa waxa ay ahaayeen magacaas Istar, ee aan maqlay, anigaa isla hadlayoo, mar waxaan is iri “tolow ma Istartaadii baa?’, haddana ani unbaa isku jawaabayoo, waxaan is iri “Istar xiligan waaba hooyo, caruur u leh dhaqtarkii baas, ee waa mid kale waxa uu saaxiibkaa ka hadlayo”, tii iskuma aan qancinee, haddana waxaa la yaab igu noqotay hadlkiisii ahaa “gabar aan isku xaafad nahay oo reer iska tabar darran ka dhalatay”, waxba yaan hadalka kugu daalin’e, anoo isku dayaya inaan ka ogaado isaga ayaan ku iri “war adiga i yiriyee, gabadha hadaad aragto adaa deg deg ku go’aansanaya inaad guursato ee maad sawirkeeda i tustid”, balse saaxiibkey Asad, arrintaasi waaa uu igaga cudur daartay waxaana ii uu sheegay in sawirkeeda uu kaga soo tagay USA. 

Hadaan maalmo wada joognay ayuu Asad, iila yimid qorshe aan xisaabta igugu jirin waxaana uu iga codsaday inaan u raaco Somalia, si aan uga qeyb galo arooskiisa, hase yeeshee waan ka diiday arrintaas, wax walba waa uu sameeyay si uu igaga dhaadhciyo inaan raaco, anna intaa waan ka dhego adeegayay, hadaan cabaar isla doodeynay oo uu iga aqbali waayay diidmadeyda, ayaan go’aan ku gaaray inaan saaxiibkey runta u sheego, oo aan shaaca ka qaado wixii na kala qabsaday aniga iyo qoyskeyga, ee ahaa inay cadaatay inaysan i dhalin, markaasuu i yiri “oo sidee maxaa dhacay”, anna anoo arrinta Istar shaaca ka qaadin ayaan ku iri “gabar aan jeclaaday ayuu aabe ii diiday oo ina adeertey buu rabay inuu igu qasbo, markaan diidayna waxuu ii sheegay wax uu weligii iga qarin jiray, oo ahaa inuusan i dhalin, kadibna Somalia waanba isaga soo tagay”.

Sheekadaasi saaxbiikey waxay ku noqotay mid uu ka naxay, waxaana uu iila yimid qorshe ah inuu Somalia igu celinayo oo aniga iyo waalidkii isoo koriyay dib na isugu kaaya naqayo, adiga waxay doontaba ha ahaatee, waxaan aqbaly inaan Somalia ku laabto, oo aan saaxiibkey raaco, si aan arooskiisa uga qeyb galo, islamarkaana aniga iyo waalidkey aan dib isku aragno, oo aan wixii hore iska ilaawo nolol cusubna aan aas aasto, sidaasi ayaana meel isla dhignay. 

dhowr maalmood kadib markii qorshaha saaxiibkey, aan aqbalay kadib ayaan dib ugu laabanay aniga iyo isagaba dalka Somalia, waxaan tagnay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, oo labadayadaba aanu ku nooleyn, markaan caga dhiganay garoonka diyaaradaha ee Mogadishu International Airport, ayaan halkaasi telefoon kaga diray gurigeena, nasiib wanaag waxaa telefoonka iga qabatay gabar jaariyad ahayd, war badan lama gelinee waxaan ku iri “Anas ila hadalsii”, iyana “waa yahay” bay iigu hadal gaabisay, waxaana ii xigay codkii Anas oo dhahaya “waa kuma’, “waa Xamza” baan ku iri, walaalkey dhowr daqiiqo ayuu oohin igaga aamusnaa, kadibna sheeko dheer ayaa na dhexmartay, “arrintan cidda ka qari” baan ku iri, waxaana ku degay guriga saaxiibkey Asad. 

Maalmo hadaan halkaasi ku noolaa, ayaa saaxiibkey iyo walaalkey dadaal dheer kadib waxa ay ku guuleysteen inay waalidkey iyo aniga dib na isugu kaaya celiyaan, aabahey isoo koriyay waa uu ka qoomameeyay wixii dhacay, anna waan iska cafiyay, halkaasi ayaana nolo cusub ka bilaabay.

Hadaan toddobaad gurigeena dib ugu noolaa, ayaa subax waxaa ii yimid, saaxiibkey Asad, waxaana ii ugu yiri “galabta waanu is raaceynaa”, “oo xagee?”, baan ku iri, isna waxa uu iigu jawaabay” waxaan ku soo barayaa, gabadha aan guursan rabo, ee Istar”, waxay ahayd arrin aad u xiisanayay bal sidaan usoo kala ogaado in tani ay Istarteyda tahay iyo in kale, waana ka qabaly saxiibkey. 

Galabkii mar ay tahay 4:30pm, ayaa waxaa ii yimid Asad, waxaana isku raacnay guriga gabadha uu guursan rabay oo aan sidaasi uga sii fogeyn gurigooda, sidii wadada Maka Al-Mukaramah, uu noogu waday ayuu iga leexiyay jiiradkii aan ka leexday subaxii aan isga sagootinayay, islamarkaana baranayay Istarteydii, waan shakiyay aniga, hadana kuma sii dheeraan’e waxaan niyadda iska iri “bal eeg waxa yimaada”, hadaan cabaar soconay, ayuu gaarigii noogu baakimay iridkii hore ee guriga gacalisadeydii hore ee Istar, oo waxooga is bedel uu ka muuqdo, durbadiiba waxaa ii cadaatay in qofka saaxiibkey calafkiisa uu muuqata ay tahay qaalideydii hore, gurigii ayaan galnay, waxaan ku arkay dad igu cusub, kadib ayaan galnay qol waxaana noo soo gashay gabar aad u carfeysa una labisan, hadaan sidaa u eegay, waaba Istarteydii……………

W/Q: Axmed Cali Sheekh “Axmed Yare”
alaxmed@hotmail.com