Uncategorized

Iska key Illow (Qiso Jaceyl oo xiiso badan)Qeybtii 15-aad

Dabadeed anigii waan isaga tagay, waxaana aaday Hotelka- Curuba ee magaalada Muqdisho, si aan halkaasi ugu sii noolaado intii aan ka diyaarinayo safarkeyga UK aan ku aadayay. 

haddaan hotelka maalmo deganaa, ayaa la gaaray waqtigii bixitaankeyga, kadiba dalka Ingiriiska ayaan dib ugu laabtay, halkaasi oo aan nolol cusub ka bilaabay, waxaan dareemay inaan hadafkii ugu weynaa ee nolosheeda oo ahaa guurka Istar aan ku fashilmaty, waxaana kadib iska galay wax barasho aniga bilaabay Machadka London School of Economics. 

Dhowr sano, ayaa ku sugnaa nolol ceynkaasi ah oo wax barasho un ku kooban. mudadaasi waxaan ku gacan seeray codsiyo badan oo ii yimid, kuwaasi oo ku saabsanaa gabdho doonayay inay nolol ila abuuraan, si kasta oo ay isugu dayeenna way ku daaleen inay qorshahaasi iga dhaadhicyaan. 

Muddo saddex sano ah hadaan xaalkaa ku sugnaaa, ayaa maalin dambe waxaa isoo wacay, wiilkii saaxiibkey ahaa ee Asad, oo subaxii aan isaga u socday markuu USA u dhoofayay, si aan u u dhoweeyo aanu is baranay qaalideydii Istar, markuu igala soo hadlay gobolka Virginia, USA, waxa ay ila noqotay arrin aad cajiib iila ah, waana siisan waayay, waayo markaan Somalia kasoo tagayay ayaa xiriir na isugu kaaya dambeysay, anna waanba iska ilaaway oo noloshii hore oo idil baanba ka haajiray, markuu telefoon gacmeedkeyga igala soo hadlay, oo uu isku key sheegay, waan iska ilmeeyay, waayo, waxa uu ahaa saaxiibka ugu wanaagsan ee aan dunida ku lee yahay haddana aan xiriirkiisa gooyay, “Asadow, sidee ayaad telefoonkeyga ku heshay” baan ku iri, markaasuu inta qoslay igu yiri “soo adiga gabdhihii dhan nacay, gabar ku rabtay oo aad diiday baan telefoonkaaga kasoo helay”, “wax dhici kara maahee, iga dhaaf cayaarta, ee wax ii sheeg”, ayaan haddana iri, kadibna waxa ii igu yiri “Gabr Deeqa la yiraah, oo aad macahdka wada dhigataan baa maalin igu tiri jaceyl baa i haya, oo wiilkaan jeclaa ee Xamza Xaaji ahaana i diid, markaan wareysi dheer la yeeshay kadibna waxaan ogaaday in qofka ay ka hadleyso uu Xamzaheygii yahay, saasaan teelfoonkaaga uga qaatay, waa gabar aan qaraabo kore nahay oo aan mar mar is wacno”. 

Intaa kadib aniga iyo saaxiibkey Asad, waxaa na dhex martay sheeko isku hilow oo aad u dheer, waxa uuna kadib ii sheegay inuu doonayo in dalka Somalia uu ku laabto si uu halkaasi ugu aqal galo, waxaan su’aalay gabadha uu doonayo inuu guursado, balse waa uu iga diiday inuu ii sheego, waxaana uu igu yiri “markaan soo baxayo toddobaad kadib, ayaan London soo marayaa, markaasaan si wanaagsan u wada hadleynaa”, anigana “waayahay” baan ku iri.

Toddobaad kadib Asadkii ayaa iigu yimid London, isag oo kusii jeeda magaalada Muqdisho, sii uu halkaasi ugu aqal galo, markaan isku nimid kadib, ayaa waxaa na dhex martay sheeko aad u dheer oo ku saabsaneyd gabadha uu guursanayo iyo bal sida uu xaalkiisu yahay, anaa sheekada bilaabay, oo ku iri “war lacag baad sameysay, maasha la yiri aroosaa maskiin maaha, ee waa tuma gabadha aad guursaneyso, bal ii sheeg”, markaasi baa isaga oo aad moodo in farxadda ay ka tan badisy buu igu yiri “war gabadha aniga horta wax jaceyl ah, ah nama dhex marin, laakiin Xamzow, haddaad aragto, walaahi isla daqiiqaddan baad go’aan ku gaari in laguu guri geeyo, qurux ay qabto darteed,”, hadaan warka ka dhageystay oo farxaddiisa aan la dhoola cadeeyay baan ku iri ” waan gartaty’e, hadii dhexdiina uusan wax jaceyl ah dhex marin yaa qorshahan wada?”, “qorshaha waxaa wadda hooyo” buu iigu war gaabiyay haddana, “oo sidee?” baan anna ku dhahay”, markaasuu yiri ” gabadha waa gabar xaafaddeena Muqdisho, meel aan ka fogeyn degan, waxay ka dhalatay qoys waxoogaa iska liita, marka hooyaa inta quruxdeeda iyo wanaageeda ka yaabtay cidooda la hadashay, oo lacag badan iyo aroos laga yaabo u ballan qaaday, wayna ogolaadeen, kadibna aniga ayay gabadha sawirkeeda ii soo dirtay, anna markaan sawirka arkayba qalinka ayaan ku duugay qorshaha hooyo, marka saaxiibkeygiiyow xaalka waa saas”, “waan gartay” intaan ku dhahay, baan u raaciyay “gabdha magaceed?’, magac baan ka sugayay hees buuba ii galay, isaga oo leh 

“Hanaan socodka laafyaha 
Hagar la’i wax qabashada 
Hindisiiyo falaada 
Hab celinta sheekada 
Haddaan hooyadeed korin 
Ama aan caano la hubin 
Ma heeseen asluubtiyo 
Edebtiiyo Xishoodkee” 

haduu intaas heesta marinayo ayaan ku dhahay “war aniga ii hees kumaan oranee gabadha aad guursaneyso magaceed?”, intuu qosol la dhacay buu yiri “Xamzow adna sidii damiin oo kale baad rabtaa in far waa weyn wax laguugu dhigo”, “weli kuma fahmin” ayaan haddana dhahay, “Heeskaasi gabadha lagu amaanayo magaceed” buu i weydiiyay haddana, balse waan isaga aamusay, haduu cabaar hadal iga waayay buu isaga oo is xanaajinaya igu yiri “war waad waalatay’e ee naga tag” , kadibna waxa uu ii raaciyay “micnaha waxaan ka wadaa gabadha waxaa la yiraahdaa Istar………………

W/Q: Axmed Cali Sheekh “Axmed Yare”
alaxmed@hotmail.com