Uncategorized

Iska key Illow (Qiso Jaceyl oo xiiso badan) Qeybtii 13-aad

Cabaar hadaan fadhiyay, ayaa waxaa soo baxday Istar oo ilemeyneysa, kadibna waxaan ku iri “oo maxaa kugu dhacay”, “aniga ma doonayo in indhaha la ii fiiqo” ayayna iigu jawaabtay, “oo maxaa dhacay”, baan haddana ku iri, balse way diiday inay wax ii sheegto, waxayna si kooban ii tiri “marka hore guriga aan tagno, markaas ayaan wax walba kuu sheegayaa’e”. 

Dhowr goor ayaan isku dayay inay ii sheegto waxa ay ku diiday howshii aan intaas dhib ah kasoo maray, hase yeeshee waxba waan ka ogaan waayay. hadaan iyada ku daalay, ayaan u galay dhaqtarka, si isaga uu iigu sheego waxa dhacay, isna waxa uu war iigu gaabiyay “ayada wareyso”.

 Muran iyo dood dheer oo aniga iyo Istar nagu dhex martay xaruntii caafimaadka kadib, ayaan isaga soo tagnay xaruntii dhaqtarka, markaan guriga nimid, ayaan wa xooga dejiyay, waxaana si degan u iri “bal waxa jira ii sheeg’, intaa kadib ayay wax aan la yaabay ay ii sheegtay taasi oo ahayad, ayada oo igu tiri “dhaqtarka waxa uu i dhahay wax lacag ah kaamka doonayo, indhahana waan kuu fiiqayaaa weliba si deg deg ah, balse hal shuruud ayaa meesha taala, oo ah inaan ku guursanayo markaan caafimaad u helo indhahaaga kadib, marka Xamzow, ihi..ihi…indho fiiqis aan adiga kugu weynayo maxay ii tareysaa”. 

Waxa ay xaqiiqdii noqotay sheeko aan si aad ah uga naxay, iyo arrin fajaciso igu noqotay, “waa yahay Istar, waad mahadsan tahay, anna waan sii baxayaa, macsalaama, hadduu ilaah yiraahdo habeen dambe ayaan kuu imanaa” inta ku iri, ayaan isaga soo tagay. 

Qorshaha cusub ee dhaqtarka baas uula yimid, waxa ay igu sii kordhiyeen culeeskii saarnaaa nolosheeda, anoo xitaa aan garaneyn sida uu dareenkeygu ahaa, ayaan gurigeena isaga oo laabtay, hadaan guriga imid, ayaan bilaabay inaan dhameeyo sheekadii qabyada ii ahayd ee ku saabsaneyd aniga dhalashadeeda, waxaan arkay walaakey Anas, oo meel oohin la fadhiyo, isaga ayaan xog wareysigii ka bilaabay oon ku iri “Aboowe, maxaad la oyneysaa”, intuu hab i siiyay oo uu isku key duubay ayuu i dhahay “aniga aabe waa nacay, labadeena ayuu na kala fogeynayaa’, markaasaan ku iri ‘aamus walaal, cid aniga iyo adiga na kala fogeyn karta ma jirto, ee maxaad ogtahay ii sheeg”.

Anas ayaa markaa bilaabay inuu waxa uu og yahay igaga sheekeeyo isaga oo ku bilaabaya “aboowe macaan, markaad baxday, kadib ayaa ayeeyo aabe dhashay ee Caasho, waxay ayeeyo hooyo dhashay ee Xaliimo ku tiri (wiilkeyga arrin xun ayuu sameeyay, ma ahayn inuu arrintan shaaca ka qaado), markaasay ayay Xaliimo dhahday oo maxaa dhacay bal wax ii sheeg), kadibna ayay caasho ayaa dhahday (wiilkan Xamza ah, Xaaji Maxamed iyo Maryan, ma dhalin, iyaga oo in ka badan 10 sano is qaba oo aan wax isku dhalin ayay wiilkan heleen isaga oo 3 maalmood dhalan oo wadada lasoo dhigay magaalada Hargeysa, kadibna si aan arrintan loo ogaan ayay Muqdisho, usoo degeen nasiib wanaag markii wiilkan ay heleenba waxaa calool galay oo isku xigsaday afar wiil oo iyaga ay dhaleen saddex hadda maqan iyo Anas marka Xaajiga inuu arrintan shaaca ka qaado ma ahayn), ayeeyo Xaliimana waxay dhahday (wax xun buu sameeyay) marka aboowe, adiga waxaas waxba ha u arkin. 

Sheekadii Anas, xaqiiqdii jahwareer ayay igu riday, anoo iska fekeraya oo meel iska fadhiya ayaa aabe ii yimid, oo igu yiri “weli ma madax adeegii ayaad meel la fadhidaa”, markaasaan dhahay “wax walba oo dhaca Hani ma guursanayo”, isagiina hadal kale ima weydiin’e, waxa uu war igaga bilaabay “igaga baxay guriga”. 

Intaan kadib intaan boorso dhar kasooo buuxsaday, ayaan horey usoo qaatay lacag aan heestay oo igaga hartay gurigii aan iska iibiyay iyo tii aan ugu tala galay Istar iyo baasaboorkeygii ingiriiska, waxaana kadib go’aan ku gaaray inaan dalka isaga tago oo aan UK ku laabto, islamarkaana aan nolol cusub halkaasi ka raadiyo, waxaan kale oo go’aan ku gaaray inaan Istar ku iraahdo Iska key illow!, maadaama caafimaadkeeda uu wax walba ka weyn yahay haduu dhaqtarka sidaa taagan yahayna ay isaga iska guursato, waa laga yaabaa in dad badan ay ku fekeri lahaayeen inaan qaldanahay, balse wax walba waxaan u sameeyay jaceylka aan ayada u qabay, iyo inaan doonayay inay indhaheeda u wanaagsanaadaan, aniga oo sidaasi go’aan ku qaba, ayaan usoo dhaqaaqay xaafadda Istar, si aan waxa dhacay oo dhan uga sheekeeyo………. 

W/Q: Axmed Cali Sheekh “Axmed Yare”
alaxmed@hotmail.com