Uncategorized

Dhagayso: Al-Shabaab oo Gaalo Raacyo ku tilmaamaya Culumada Ictisaam ka hor dilkii Dr Axmed

Kulankii Al-Shabaab ay ku yeesheen Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay Waxaa aad loogu dhaliilay Culumada Ictisaman oo kamid ah Ururada diiniga ah ee Soomaalia Ka jira.

Halkaan Guji si aad Codka sifudud udhagaysato
 

 Sh Xasan Takar ayaa gaalo raacyo ku tilmaamay Ururkaas, isagoona taabtay in Ururkaas ay la safan yihiin Wax uu ugu yeeray gaalo ayna kasoo horjeedaan Wax uu ugu yeeray Jihaad ay iyaga wadaan.

24-saac kadib Markii Warkaas uu kasoo yeerayna Waxaa la dilay Eebe ha unaxarsiitee Dr Sheekh Axmed Xaji Cabdiraxmaan oo kamid ahaa Culumada Ictisaam.

Waliba Al-Shabaab hadalka Waxaa ay kusoo qaadayaan Deegaanada uu Marxuumka ka aqrin jiray Muxaadarooyinka ee Magaalooyinka Puntland iyo Somalilan.