Uncategorized

Barashada Juquraafiga SOOMAALIYA – WAXTARKA WEBIYADA XAGGA BEERAHA QEYBTA 6-AAD


Dhulkeena inta ku haboon beerashada waxaa lagu qiyaasay 71% malyuun oo hegtar. Marka waxaa haboon in ay ka faa’iideystaan beeraleyda soomaaliyeed waxtarka biyaha labadeena webi, oo kale ah Jubba iyo Shabeelle. Beeraleyda soomaaliyeed waa iney si haboon oo cilmi u bartaan ku waraabinta beeraha biyaha webiyada, ayna raacaan jidka haboon sida:-

  1. In la qotomiyo motor dhinacyada webiyada dhinac kamid ah.
  2. In motoorka lagu hagaajiyo dhuumo waaweyn oo ka soo bixiya biyaha webiga.
  3. In la qodo kanaalo waaweyn iyo qaar yar yar oo kala gaarsiiya beeraha.
  4.  Iyo ayagoo sameysta biyo xidhiino ay ku keydsadaan biyaha si loogu isticmaalo marka uu jiilaal dhaco webigana uu gudho.
  5. Waxa jirtay in dowladdii dhexe ee soomaaliyeed ay u furtay beeraleyda soomaaliyeed tababaro xirfadeed si ay wax soo saarka u kordhiyaan.