7-da ku guuleysatay mucjisooyinka dabiiciga cusub (New7Wonders of Nature) ee aduunka ?

7-da ku guuleysatay mucjisooyinka dabiiciga cusub (New7Wonders of Nature) ee aduunka ?

Doorasho daba dheeraatay kadib, aakhirki waxaa soo baxay natiijada codeyntii todobada mucjisooyinka dabiiciga cusub ee aduunka ayaa lagu dhawaaqay 11 November 2011

Hayada New7Wonders of Nature waxaa la abuuray sanadka 2007 waxaa ay furtay doorasho caam ee aduunka dhan ka qeyb qaadaanayay, malaayiin qof ayaa ka qeyb qaadatay doorashadan ayadoo la eegaaya quruxda qaaska, taariikda soo jireenka iyo dabiiciga.

Xafiiskeeda wuxuu ku yaaalaa Masxafka Heidi-Weber, Zurich, Swiss, Hayadan New7Wonders waxaa istaajiyay nin kanadian ah oo ku dhashay Swiss, Bernard Weber. Weber waa nin film abuur iyo qoraa ah. Yaan hadalka idin ku badina hadaba waa kanaa 7-da mucjisooyinka dabiiciga cusub ee aduunka (New7Wonders of Nature) : 


Wabiga Amazon, Koonfur Amerika 
Wuxuu ku fadhiyaa 1,4 bilyan hektare, wabiga amazon wuxuu isku soo maraa
sagaal wadan. Wabigaan aanan marin dushiisa wax buundo ah 
waxow biyo siiyaa 10 kanal oo wabiyood.

* Ha Long Bay, Vietnam
Waxey ku taalaa Gacanka Tonkin Vietnam, Ha Long Bay waxey leedahay 
biyo fariisino 1.600 jasiiradood iyo jasiirado dhagax ah. 
Kaymaheeda oo aad u caburan aan la gali karin awadeeda ayaa 
ka difaacday in bani aadamka nabad guuriyaan. 
Waxaa kalo ku badan godad bohola ah iyo god misteri oo laga baqo.

* Waterfall IguazĂș, Brazil/Argentin
Waterfall Iguazu waxa waaye isha oo kasoo bur qado wabiga IguazĂș 
oo ka soo daada dhirir gaaraya 82 mitir. Waterfall kan wuxuu 
ka soo bilowdaa Brazil Argentin iyo Paraguay.


* Jasiirada Jeju, Koonfur Korea
Jasiiradan Oo ku taala Koreada Koonfureed. Jasiiradaan Jeju waxey 
caan ku tahay Godad Misteri ah, Waterfall, Xeeb qurux badan iyo 
20 Garden caalami ah oo loo dalxiis tago.


* Jasiirada Komodo, Indonesia
Jasiirada Komodo waxaa leedahay bahalo dinosaurus (isku qabiil yihiin hehe)
aan caalamka kale lagu arag wali, waxay kaloo leedahay jasiiradaan 
xeeb qurux badan  oo dabiici ah.

* Buurta Miiska (Table Mountain), Koonfur Afrika
Buuta miiska (Table Mountain) oo u sameysan sida miiska waxey
ku taal Koonfur Afrika waxeyna calaamad u tahay caasimada
cape Town ayadoo waqooygeeda ku heeraarsan tahay bad.

* Wabiga ugu hoosdheer aduunka, Puerto Princesa, Philippines
Waxow ka soo bilowdaa af god weyn oo dhagax ah ee Jasiirada
Palawan Filipin, Wabigaan Puerto Princesa waxa weeye wabiga ugu 
hoos dheer aduunka.

Wabigaan dhirirkiisa gaaraaya 8.2-kilometer waxow ka soo bilowdaa 

af god asagoo soo maraayo intowsan ku darsamin bada koonfurta china.

thumbnail Title: 7-da ku guuleysatay mucjisooyinka dabiiciga cusub (New7Wonders of Nature) ee aduunka ?
Posted by:Aden Abdi
Published :2011-12-17T13:35:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
7-da ku guuleysatay mucjisooyinka dabiiciga cusub (New7Wonders of Nature) ee aduunka ?



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Aden Abdi, Published at 13:35 and have 0 comments

No comments:

Post a Comment

Waa Ka Mamnuuc Cayda iyo Qabyaaladda, Waxeey ufurantahay Kaliya Fikir Isweedaarsi Mahadsanidiin