Beri baa waxa la yidhi, nin reer u soo hoyday. Markaasaa reerkii ka seexday. Subixii markii waagii beryay baa ninkii marida ahaa kacay oo ninkii reerka lahaa u yeedhay. Markaasaa ninkii reerka lahaa qolqolkii isa soo taagay. Markaasaa ninkii martida ahaa ninkii reerka lahaa ee ka seexday ku yidhi: Haddaan ninyohow taqaan marka soor la iigu yimaaddo sidaan wax uga…
Month: December 2011
Qiso Cajiib ah oo ka taagan Dalka Kuwait”Dumarka oo codsaday wax aan horey udhicin”
Ragga ayaa berigii hore odhan jirey hadaan gabadhaa hello waxan ka bixin lahaa Boqol halaad iyo baar-qab hadaba iyada oo xilligan ay haweenku aad uga badan yihiin Ragga ku nool caalamka isla markaana ay jirto Rag yaraan aad u ba,an ayaa gabadha lagu magacaabo Salwa Mudiiri oo hore isugu soo sharaxday Baarlamaanka dalka Kuweyt ay soo jeedisay in xukuumada dalka…
Sheeko Caruureed Dhagdheer
Waxa la yidhi nin baa naag aad u qurux badan qabay, naagtu ninka wiil bay u lahayd. Reerkuna reer iska ladan oo xoolo leh bay ahaayeen. Ninkii baa siduu isaga joogay naag kale guursaday. Markaasuu xoolihii minweyntu haysatay ayuu minyardii yabadh uga soocay ( xoolihii reerkuu u kala badhay ) aqal cusubna minweyntii baa looga ag dhisay. Minweyntii baa markay aqalkii cusbaa iyo gabadha…
Daraasaat: Xal Uhelida Haweenka Maseerka Badan ”Sir culus”
Daraasad Dhawaan la sameeyay ayaa waxaa lagu ogaaday laguna xaqiijiyay waxyaabaha keena in xaaskaaga ay kaa xanaaqdo ama ay kaa carooto xili walbo hadaba aqristoow daraasada ayaa waxa laga soo saaray shan qodob oo keena in mar walbo ay kaa xanaaqdo xaaskaga. 1.In aad lumido dareenka xaaskaaga Luminta dareenka xaaskaaga ayaa la ogaadey in ay timaado marka aad ka soo…
Usha Haddii La Jiifshona Banaan (Sheeko Xariir)
Nin baa, wax la yidhi, meel u boqor ahaa. Malintii dambaa sac beer daaqay. Markaasaa ninkii beerta sacu daaqay lahaa suldaankii u soo ashtakooday. Markaasaa suldaankii xukun bixiyay oo yidhi intuu ushiisii kor u qaada: “Ninkii saciisu beer nin kale leeyahay daaqo ushaasuu hadhuudh ku qarinayaa.” Maalintii dambe ayaa suldaanka qudhiisu sac uu leeyahay beer daaqay. Markaasaa suldaankii loo soo…
7Qeeyboob oo looga hortagaayo Bur burka Xidhiidka u dhaxeeyay Laba Ruux ee Lamaanaha ah!!!!
Cilmi baari lagu sameeyay khilaaf soo kala dhaxgala dadka lamaanaha ayaa waxa uu noqday midka ugu mashquulka iyo barista badan inta caalamka lagu sameeyay baaritaano mashaariic. Khilaafka u dhaxeeyay labada qof ee lamanaaha ayaa ah mid mar walba soo laablaabta ayadoona inta badan labada ruux aysan aheyn col ama saxiib waxa Soomaalida ay u taqaano waxaana dhacda in daqiiqado guduhooda…
Ninkii Cilmiga Siyaasadda Bartay ( Sheeko Murtiyeed ).
Waxa la yidhi beri baa laba nin oo isku reer ahi socdaaleen. Waxay ku socdeen meel cilmiga lagu soo barto yagoo doonaya inay cilmiga diita bartaan. Waxay socdaamba waxay ku soo baxeen degmo boqor Jaahil ahi xukumo. Degmedii bay u hoydeen, subaxdiina way amba baxeen. Waxay sii socdaanba meeshii cilmiga lagu baran jiray bay gaadheen. Markaasay tacliintii galeen. Cilmigii diinta…
Nabad Goday Ma Xidhanto (Sheeko Xariir)
Nin baa beri guri ma s ku jiro degay. Markaasuu maskii arkay. Maskuna mas daalin ah ma ahayn. Casha walba xoolaha iyo caruurta dhexdooda ayuu iska dhex mari jiray oo waxba ma yeeli jirin. Maalintii dambe ayaa ninkii tashaday oo is yidhi: “Waar horta maskani yaanuu caruurta iyo xoolaha kaa cunin e maa dishid?” Markaasuu maskii oo geed jirriddiisa jiifa…
Iska key Illow(Qiso Jaceyl oo xiiso badan)Qeybtii 17-aad
Waxaan ku arkay dad igu cusub, kadib ayaan galnay qol waxaana noo soo gashay gabar aad u carfeysa una labisan, hadaan sidaa u eegay, waaba Istarteydii. Waxaan dhihi karaa wixii markaasi ka dambeeyay, ma garan karo waxa dhacay, waxaanse ka xasuustaa in xaalka uu igu cakirmay, waxaan xitaa ku sigtay inaan naxdin dareteed la suuxo. daqiiqadahaasi, waxaan ku asteeyay kuwii…
Bakhaylkii Xeeladda Yiqiinay ( SHEEKO ILLA QOSOL AH)
Waxa la yidhi baribaa waxa jiray nin. Ninku dadka wax muu siiyo mana deyrsho. Qof walba xeelad iyo khiyaamuu kaga baxaa oo qof waliba wuxuu ka tagaa isaga oo farxaan ah oo aan wax la siin. Berigii dambe ayaa ninkii la isu wada sheegay oo la ogaaday. Maalintii dambe ayaa afar wadaad ninkii soo raadsadeen oo is yidhaahdeen; Bal ninkan la sheegayo…