Uncategorized

Wasiirka Badda oo fara galiyey Xornimadii Wadanka, Jabinayana Sharciga Badda Soomaaliya: Somalitalk.com

Intaynaan jawaabaha su’aalahan u galin aan is la eegno hadalka Wasiirka Badda.

Wasiirka Badda oo aan  fahmin macnaha Territorial water inuu ku xiranyahay xoriyada wadankaWasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee DFKMG C/raxmaan Sh. Ibraahim Maxamed oo September 23, 2011 shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho, kaddib markii uu safar ku tegey Seychelles, London iyo Kenya ayaa waxaa hadalladiisii ka mid ahaa:

“Sidaad la socotaan waxaa deadline (waqti go’an) loo qabtay in la xadeeyo xuduudaha badda, waxaana la soo kulmay khubaro ku shaqo leh xadaynta badda oo hore wasaaradda hawlo ula wadey oo hore loo bilaabay sidii aan ka yeeli lahayn, waxyaabo badan ayaan ka soo wada hadalay sidii wax looga qaban lahaa iyo sidii loo dhamaystiri lahaa hawshaas oo waqtigeedu xadidan yahay, waxyaabo badana meel ayaan isla soo dhignay.”

“Shacabka Soomaaliyeed waxaan u sheegi lahaa, awood kasta waxay ku jirtaa shacabka, anagu waxaan ka midnahay wasiirka shacabka, waxa wax doorta waa shacab, waxa wax bedela ama wax qaban kara waa shacab, marka shacabka Soomaaliyeed waxaan ka codsanayaa meelkasta oo ay joogaan in ay ummadda dantooda u kacaan waxay rabaan haday gartaan. Haddii aad xasuusataan kacdoon ka dhacay Masar waxaa ridey shacabka oo bannaanka soo istaagey oo yiri marabno waxaas, marka awoodda aad raadinaysaan iyo su’aalaha aad i weydiinaysaan awoodiina ayey ku jirtaa, Soomaali oo haddii ay xaqa u hiiliso waxaan awoodnaa in aan soo ceshano wixii naga maqnaa.”

Sidoo kale Telefishanka SomaliChannel oo September 27, 2011 oo waraysi la yeeshay wasiirka Kalluumaysiga DFKMG ayaa weydiiyey: Maxaa keenaya in xilligan laga hadlo xadaynta badda Soomaaliya, waxa uu ku jawaabey “Shirkii Wadatashiga ayaa waxaa loo qabtay 19-ka December (2011) in laga hadlo EEZ-ka, taako badda ah lama dhiibi doono, waxaana ahay ninka masuulka ka ah badda.”

Markii la weydiiyey waa maxay sababta qodobadii habraaca (Roadmap) loo soo hordhigay in la xadeeyo badda Soomaaliya oo looga hadlay EEZ-ka, waxa uu ku jawaabey sidan “Waxaa la doonayaa in si xuduudaha badda, waxyaabaha ay ku doodayaan waxaa ka mid ah dadka illegal fishing ku imanaya in la ogaado badda Soomaaliya xuduudaheeda, ‘but still’ (laakiin weli) waxaa jira wada hadal iyo wada tashi aan la samaynayno khubaro  ku xeel dheer sida loo xadayn lahaa.”

Markii la weydiiyey waxaa jira warar sheegaya in la doonayo in badda Soomaaliya lagu soo koobo 12nm, marka mar haddii wada hadalku uu weli socdo meeqa ayaad dooneysaan in aad kala hadashaan in loo xadeeyo badda Soomaaliya?

Waxa uu ku jawaabey “Waxaa jira xeer international community (beesha caalamka) oo dhan ka dhexeeya oo  la dhaho xadaynta badaha, marka waxaan Soomaalida oo dhan u sheegeynaa in aanaan taako ay leedahay la bixinayn, xadka dawlad kasta oo international community inta ay leedahay kama yaraysanayno in aan ka badsano mooyaane.”

Waxana Wasiirka Kalluumaysigu intaas raaciyey “Maalmahan waxa aad u batay media/warbaahin badan oo sheegaya in badda la gatay, wax la gatay ma lahan, ma jirto cid doonaysa ama ku talo jirta, dhibaatada hadda na haysata ayaa naga weyn in aan dhibaato siyaado ah keensano.”

Waxaa la weydiiyey sababta hadda looga hadlayo xadayntabadda ayadoo Soomaaliya leedahay sharci soo baxay 1972 iyo in ay jiraan dalal doonaya in la yareeyo xuduudda Soomaaliya, taas oo ah arrinta tuhunka keentay?

Wasiirka Kalluumaysigu waxa uu ku jawaabey “Maya, waxaas oo dhami ma jiraan, waxaa jirey heshiisyo 1972, 1982, 1989-kii ay dawladdii hore gashay, meeshii ayaa laga ambaqaadayaa.  Media-yaha/warbaahintu waa in aad Soomaalida ka caawiyaan siday dhibaatada ay ku jirto uga baxdo. Websiteyo badan ayaan ka akhriyey in baddii lagatay, wax la gatay ma jiraan, wax gadanayaana in aysan jirin.”

Waxaa la weydiiyey Dawladdu waa ku meel gaar, marka heshiis noocaas ah Dawlad kumeel gaar ah ma ka hadli kartaa, waxa uu kaga jawaabey “Annaga hadda waxa keliya oo aan diyaarinayney waa nidaamkii xuduudaha, weli wada hadalku waa dhiman yahay, marka annaga ayaa dib idiinka sheegi doona meesha ay wax marayaan, hadda wax la gaarey ma leh, waxa socda waa wada tashi, mana jiro heshiis la galay ama la saxiixay meelkasta.”

Hadaan isla soo aragnay hadalka Wasiirka, aan ka jawaabno su’aalaheenii aana fiirino Shaciga badda oo Soomaaliya sida uu u qoran yahay.

Badda Soomaaliya xad waa leedahay wuxuuna jiraa 40-sano

Faallada: SomaliTalkcom | September 29, 2011

Wasiirka Badda oo sheegay in Badda Soomaaliya xad lahalan, Soomaaliyana u baahnayn 200 oo mayl baddeed

Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee DFKMG  Cabdiraxmaan Shiikh Ibraahim Maxamed oo qayb ka ahaa barnaamij ka baxay Tv-ga Somali channel, ayaa sheegay in badda Soomaliya aysan xad lahayn loona baahan yahay in la xadeeyo. Xadaynta wasiirka iyo dowladiisu doonayso ayaa ah in Soomaaliya loo sameeyo xad cusub oo aaga gaarka ah ee ganacsiga ah (EEZ).

1- Hadaba su’aalaha is waydiinta leh ayaa ah Badda Soomaliya hada xad maleedahay?
2- Badda Soomaaliya Xadkeedu intee cabirkiisu yahay?
3- Ma dhulbaddeed wadanka Soomaaliya leeyahay baa?
4- Mise waa aaga ganacsiga ee gaarka ah (EEZ)?
5- Maxaa loogu daray qoraalka loogu yeeray Road Map?
6- Xagee isaga xiran yihiin heshiiskii la baabi’iyey ee is afgarad  (MOU) iyo qorshahan cusub
7- Maxaa looga gol leeyahay xadayntan cusub, yaase faa’iidaya.

 Tixraac: FAO: 

Qoraalkan kore waa sharciga badda Soomaaliya, dowladii Soomaliya ayaa diyaarisay 1972 una gudbisay Qarammada midoobay iyo aduunwaynaha kalaba. Waana sharciga badda ee aduunku Soomaaliya u aqoon sanyahay. Waana kanaa qaar kamid ah turjuman ee ka bogo:

  • Dhul badeedka wadanka Soomaalida (Somali Territorial Sea) waxaa soo hoos gelaya qayb badda ah oo gaareysa 200 nautical miles oo ka mid ah xeebta Qalfoofka Qaaradda. Badda dhulka Soomaalida waxay hoos imanaysaa Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaliya ee xorta ah. Dembiyada lagu galo xadka badda dhulka Soomaaliya oo ay galaan kuwa saaran maraakiibta ee la xiriirta caafimaadka iyo ammaanka shacabka waxaa lagu qaadayaa sharciga Soomaaliya.

Waxaase nasiib daro ah wasiirkii la rabay inuu badda difaaco inuu leeyahay “In la ogaado xuduuda Badda” wuxuu leeyahay xuduuda badda Soomaaliya lama oga mana lahan ama ma rabno (Territorial water) ee noo sameeya EEZ aag aan ka kaluumaysano oo kaliya. Mudane wasiir waa la ogyahay xuduuda bada waxayna ku cadahay xeerka sare dhab u fiiri.

Badda Soomaaliya Xadkeedu intee cabirkiisu yahay

Badda Soomaaliyada sidaan soo aragnay waa cabirantahay oo cabir uma baahna, cabirkeeda waa 200 oo mayl baddeed una dhiganta 370km, oo ah Dhulbadeedka wadanka Soomaliya, waana ka duwanyahay aaga ganacsiga ee gaarka ah ee Dowlada Shariif doonayso (EEZ). Badda Soomaliya waxaa cabirkeeda aduunka ka sharciyaysay dowladii Soomaaliya 1972 sidaan kor kusoo araganay, waligiina shaki/muran/khilaaf magalin xadayna uma baahan dowlada Sheikh Shariif ka hor.

Ma dhulbaddeed wadanka Soomaaliya leeyahay baa mise, Waa aaga ganacsiga ee gaarka ah (EEZ)
Waa dhacdooyinka xiligan aan noolahay ugu yaabka badan, dowlad leh wadankaygu xuduud malahan ee xad ha la iisameeyo. Badda Soomaaliya waxay ku cabirantahay (Territorial water) Dhulbaddeedka wadanka Soomaaliya, kuma cabira (Exclusive economic zone) Aaga ganacsiga ee gaar ka ah. Waxaan leenahay Dhulbaddeed wadan, oo ah 200 mayl baddeed, sidaa daraadeed uma baahnin, aaga gaar ah oo ganacsi (EEZ).

Maxaa loogu daray xadaynta badda qoraalka loogu yeeray Roadmap
Sababta ilaa hada dowlada Meel ku gaarka ah kama jawaabin, laakin heshiiskan gogol xaarka looga dhigay in laga baxo kumeel gaarka/meel ku gaarka kaad ugu yeertidba, waa jawaan abeesooyin ka buuxaan, waxaa qasab ah in si fiican loogu fiirsado. Laakiin sida qaramada midoobay laga sheegay dhowr jeer waxaa lagu celceliyey dowladnimo waxaa idinka xiga hirgalinta habraaca qodobadii kasoo baxay shirkii wadatashiga.(Roadmap)  Hadaan su’aal kale is waydiino, Soomaliya inay dowlad hesho ma waxaa ku xiran in xuquuqdeeda ay ka tanaasusho. Sababta ugu wayn  ee muuqta waa Qowmiyad xumo, wadaniyad la’aan, iyo hanyari, taasoo macnaheedu yahay “97% Baddiina ka tanaasula idina waxaad noqonaysaan Madaxda Dowlada cusub ee aan kumeel gaarka ahayn oo dhalan doonta 2012”

Xagee isaga xiran yihiin heshiiskii la baabi’iyey ee MOU iyo qorshaha cusub ee xadaynta
Waxay isaga xiranyihiin dagaal dheer kadib markii heshiiskii isfahamka loogu yeeray ee Dowladii Sh. Shariif, Cumar C/rashiid, C/raxmaan Ibbi iyo C/raxmaan Cabishakur hogaaminayeen ay lagashay Dowlada Kenya. Heshiis kaas oo Baarlamaanka Kumeel gaarka ah ay waxba kama jiraan kasoo qaaday, Agoosto 1, 2009.  Waxayna Baarlamaanku si aqlabiyad ah heshiiskaas uga dhigeen WAXBA KAMA JIRAAN. Go’aankaas baarlamaanka Soomaaliya muddo 8 bilood ah ayuusan soo dhaafin xafiisyada xukuumaddii Cumar C/rashiid iyo Sheikh Shariif, muddaddas kaddib ayaa loo gudbiyey QM.

March 12, 2010 ayaa Qarammada Midoobey shaaca ka qaaday in heshiiskaas Is-fahamka aan la cuskan karin. Shacabka Soomaaliyeed oo heshiiskaas ka horyimina waxay arrintu ula muuqatay in ay dhammaatay. Laakiin wali maquusan ragii garwadeenka ka ahaa damaca shisheeye.

waxaa la bilaabay hindise kale oo cusub, May 2010: Madaxda xukuumadda FKMG iyo dalalkii damaca watey oo is garabsanaya ayaa bilaabay qorshe lagu xagal daacinayo go’aankii baarlamaanku ku diidey heshiiskii Is-fahamka. Qorshe cusub ayaa lagu soo bandhigay shirkii Soomaalida loo qabtay 21-23 May 2010 ee ka dhacay Istanbuul, Turkiga, kaddib markii Wasiirkii Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee DFKMG Abuukar Cabdi Cusmaan uu shirkaas Istanbul ka yiri “Aagga Ganacsiga EEZ ee badda Soomaaliya looma cabirin si rasmi ah oo waafaqsan xeerka badaha Adduunka ee Qarammada Midoobey.” Hadalkaas oo hordhac u ahaa silsiladan  xiriirsan oo lagu xagal daacinayo xeerkii dhul-badeedka Soomaaliyeed ee soo jirey 40 sano, ilaa uu soo gaaro meesha maanta aan ka baroor diiqayno. Dhacdooyinkaas is daba socday  May 2010 ilaa September 2011 halkan ka akhriso.

 Maxaa looga gol leeyahay xadayntan cusub, yaase faa’iidaya

Soomaaliya oo baddeeda waayeysa 97% haduu hirgalo hindisaha dowlada Shariif.
Xadayntan cusub waa arin aad iyo aad u culus waxayna dhaawacaysaa xornimada wadanka sida ku cad sharciga badda Soomaaliyeed ee 37, Wadanka Soomaaliya waa xor umana baahna in hada Soohdimahiisa xad loo sameeyo, Arinta koowaad waa in la tirtiro sharciga badda ee 37 oo sheegaya “Dhulbaddeedka Wadanka” lagana dhigo “Aaga gaarka ee dhaqaalaha (EEZ)” Arinta labaysa waa in khayraadka lagala baxo badda maadaama uusan jirin sharci dhulbaddeed wadan oo qabanaya, arinta sadexaad waxay tahay in waxii danbi ahaa, ee dhulka badda Soomaaliyeed lagu gaysatay meesha laga saaro. Waxaase intaas oo dhan kadar cawaaqib xummada laga dhaxli karo, oo ah in lagu tirtiro sharciga badda ee #37 oo soobaxay 1972 oo dhigaya Dhulbaddeedka wadanka Soomaliya inuu yahay 200 maylbaddeed. (Territorial water). Sharcigaas hadii la baabi’iyo waxaa lagu waynayaa 97% oo badda Soomaaliyeed ah.

Raysalwasaare Cabdiwali Gaas ma wuxuu mari doonaa wadaddii Cumar C/rashiid
Sidoo kale Cumar C/rashii, Moxamed Farmaajo iyo Cabdiwali gaas maxaa isaga eg, kuligood waxay isu dardaarmeen arinta badda in sida shisheeyuhu doonayo loo hirgaliyo, heshiiskii Kenya waa la fashilay, arinta EEZ Mudane Gaaz ma ka hakan doonaa khaladkaan mise wuxuu sugi doonaa inuu waqtigu saxo sidii Cumar C/rashiid.

Hadalka Wasiirka ma’ahan mid aqoon iyo sharciyad midna ku socda, mana fahmin macnaha EEZ
Shalay iyo maanta maxaa isaga eg, Wasiirada Badda maxaa isaga eg,  C/raxmaan Cabdi Shakuur ayaa lahaa “waxaan la yaab leh inaan badda anaga iyo Kenya noo kala calaamad sanayn, sidoo kale Maxamed Macallin Xasan ayaa isna yiri”Dhibaatada jirta waxay ahayd inkasta oo aan anaga lahayn xeerka Soomaaliya ee (19)72-dii waxa uu qorayaa Territorial Sea oo ah 200 nautical miles, haddana dunida nooma aqoonsanin xeerka caalamiga ah, waxay nagu yiraahdeen oo keliya ‘Soomaaliya waxaan u aqoonsanahay 12 nautical miles oo keliya”.  Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee DFKMG C/raxmaan Sh. Ibraahim Maxamed ee xiligan ayaa is na yiri.  “Sidaad la socotaan waxaa deadline (waqti go’an) loo qabtay in la xadeeyo xuduudaha badda,……” xadka dawlad kasta oo international community inta ay leedahay kama yaraysanayno in aan ka badsano mooyaane.”… waxaan xadaynaynaa badda Soomaaliya EEZ”

Hadalka wasiirka C/raxmaan Sh. Ibraahim Maxamed oo ah hadal aan cadayn, isku kalsooni la’aana ka muuqto ayaan ka xusaynaa sadex arimood oo hadalkiisa ka mid ah. “Sidaad la socotaan waxaa deadline (waqti go’an) loo qabtay in la xadeeyo xuduudaha badda, 2- “In la ogaado xuduuda Badda”. 3-Waxaan diyaarinaynaa nidaamkii xuduudaha” iyo dhul Soomaali leedahay ma bixinayno,

Waxaan filaynay arintii Kenya markay soo xirantay in howshii baddu dagayso, laakiin waxaa ka khatarsan qorshaan cusub oo lagu daboolay Roadmap, waana muhiim inaan difaaca badda Soomaaliyeed soo wada galo oo aan loo kala harin. Marka ugu horaysa wax deadline- waqti go’an ah, oo xadaynta badda Soomaaliya lagu yaraynayo oo loo qabtay majirto, Dowlada C/raxmaan haday hayaan cadayn hasoo ban dhigeen, arinta kaloo muhiimka ah waxay tahay sida ku qoran sharciga #37 200 mayl baddeed cidii soo faro galisa waxay soo fara galisay xornimmada wadanka, sidaa daraadeed Wasiirku wuxuu ka tanaasulayaa xornimadii wadanka qayb ka mid ah.

Hadalka kale oo wasiirku yiri oo ah, waxaa larabaa in la ogaado xuduuda badda, xuduuda bada waa la og yahay ee waxaa loo baahan yahay in la balaariyo, qalfoofka qaarada oo la gaarsiiyo 350 mayl baddeed. Xuduuda badda Soomaaliya sida ku qoran Sharciga #37 waa 200 oo mayl baddeed  oo laga cabirayo dhinaca xeebta ugu joog gaaban ee badda ugu xigta. Arinta loo baahan yahay waxay tahay kordhinta Territorial water ee mahan in lagaba hadlo waxa loogu yeero EEZ. Arinta wasiirka iyo kuwii ka horeeyey ay ku celcelinayaan o oaf gobaadsiga ah waa Taako dhul ah ma bixinayno, Wasiir hadaad December 19,2011 xaqiijiso hindisaha ku qoran roadmap-ka waxaad baddii Soomaaliya shisheeye uga tanaasulaysaa boqolkiiba Sagaashan iyo todobo, 97% Territorial water ah, waxaadna jidaynaysaa xeer cusub oo loogu yeero EEZ.

Waxaa kaloo nasiib daro ah in idinkii magaca dalka watay la idinka waardiyeeyo wadankiinii maalinkasta.

Maxaa lagudboon Xukuumada Mudane Cabdi wali gaas
Arintan Masuuliyadeeda oo dhan waxaa qaadaya Raysal wasaaraha Cabdiwali Gaas maadaama  arin si khaasa ay u jirto shaqooyin uu khaas ah loogu soo akhbaar celinayo, sida lagu sheegay roadmap-ka. Dowlada Meel ku gaar ka ah waxaa la gudboon inay ka waan towdo lunsashada hantida maguurtada ah ee ummada, sidoo kale inay ka waan towdo hirgalinta damaca shisheeye, iyo duudsinta xuquuqda muwaadinka Soomaaliyeed.

Baarlamaanka Soomaaliyeed maxaa lagudboon

Waxaa la gudboon geesinimadii horay looga bartay oo kale inay qaataan, waxaan idin xasuusinaynaa in damacaan cusub uu ka dhibaato badan yahay, heshiiskii hore aad diideen. Waa xuquuq ummada Soomaaliyeed idinku leedahay inaad aragtaan af-Soaamlina la idiinku turjumo waxa laga wado roadmap, sidoo kale roadmap waxaa marjic u ah shirkii Kampala, isaga inaad dib u eegid kusamaysaan waa daruuri. Wax walba waxay ku xiranyihiin ogolaanshihiina iyo diidmadiina. SomaliTalk waxay si khaas ah ugu mahad celinaysaa Baarlamaanka iyo dhammaan ummada Soomaaliyeed kaalintay ka qaateen difaaca badda.

Ummadda Soomaaliyeed

Ummada Soomaaliyeed waxaa la gudboon inay u midoobaan danahooda meelay joogaana, qorshahan iyo damacan ay garwadeenka ka yihiin rag madax Soomaaliyeed ku magacaaban, sidii looga hor tagi lahaa aad ku garab istaagtaan cid kasta oo isu taagta.  Arintan ma’han heshiiskii Kenya oo kale, waxaa lagu waynayaa 97% oo badda Soomaaliyeed.  Sidoo kale qof kasta wuxuu si shakhsi ah u qaban karo uusan yaraysan.

Ugu danbayntii, Dhulbaddeedka Ummada Soomaaliyeed (Territorial waters) xadkiisu waa fogaan xeebta ka durugsan 200 oo Mayl baddeed (200nm) oo u dhiganta 370km. Qorshaheenu waa inaan kordhisanaa Qalfoofka Qaarada oo gaarsiinaa 350nm oo u dhiganta 648km oo Dhulbaddeedka wadanka (Territorial water).

  Halku dhigeenu waa (Maya EEZ, Haa Territorial Waters) – No EEZ, yes Territorial Waters.

Faafin: SomaliTalk.com | September 29, 2011

Waa Maxay Mayl-Badeed (Nautical Mile)

Mayl-Badeed Waxaa loola jeedaa maylka lagu cabiro badda, waayo waa mayl (mile) ka duwan kan berriga lagu cabiro. Mile-ka badda waxaa loo yaqaan “Nautical Mile” oo AfSoomaali ku noqonaya Mayl-Badeed, waxana uu u dhigmaa 1.85 km (ama 1,852 metres). Halka mile-ka caadiga ah ee berrigu uu u dhigmo 1.6 km (ama 1,609 metres). Taas oo muujinaysa in Mayl-badeedku uu waxyar ka badan yahay Mayl-ka berriga (1852 mitir – 1609 mitir = 243 mitir). Mayl-Badeedka waxaa loo soo gaabiyaa NM.