Uncategorized

Kitaabkii Saahid Qamaan… Agabar Asluubaysan

Source: By Somalimirror


Kitaabka Saahid Qamaan ee aan qormadan ku soo bandhigayno waxaan uga jeednaa tix gabay ah oo uu afadiisa ku waaniyay oo uu isagu ku sheegay inay tahay kitaab idil sida ku iman doonta gabayga.
  
Gabaygan tarbiyadda ama agabarka xanbaarsan ee uu saahid ooridiisa ku hanuuniyay wuxuu in badan ka duwanyahay gabayo kale oo ay suugaanayhanno kale xaasaskooda kula hadleen ama wax ugu sheegeen, kuwaas oo canaan iyo wax ka sheeg hadalkooda ku saleeyay,sida Maxamuud Cali Beenaley oo gabygiisa ay ka mid ahaayeen baydadkan:
 Wajigaa la maydhaa markay,waabarkii tahayeMa Widh-Widho jidhkaan lagu wadayn, Weelka Dhaashiga’eKaa waayay weligay inaan, waana kuu bogo ee 

ama Raage Ugaas oo la sheegay inuu haweneysiisa ku yidhi erayo ay ka mid ahaayeen:

 Naa soo Xaliimooy Xaddiya xaalna kama raacdid Naa sow ardaagaan xunka,ah waana lama xaaqo Naa soo xaliin laguma dayo xeedhadiyo dhiisha.Naa soo hubkaagoon xumayn xidhan aqoon maysidNaa so xigaaliyo tolkay kaba xishoon maysidAllahayow xadhaadhaa anfoco xalayto lay siiyay
ileen xabagta geedaha ku taal gabal xadhaadh weeye.
 Ileen seedigaa kuma xil tiro xila hadaad waydo
Waxaa muuqata in qaabka saahid ee asluubaysan ama edabtu ka muuqato ka wax tar badan yahay xagga saameynta iyo in qofka loola jeedaa waanada qaato ama ku dhaqmo. Waxaana la odhan karaa taasi waa midda keentay in gabayga Saahid tis qaado oo uu gaadho in gabdhaha la guursado lagu dhibaadiyo oo loo sii jaxaaso si ay aqalkooda cusub dhismihiisa ugu kaalmaystaan.
Soo bandhigidda kitaabkan ama tixda Saahid waxaan ula jeedaa inaan ku dhibaadiyo ama hadiyad uga dhigo gabdhaha asturan ee sharafta leh bal si ay u dheehdaan siduu dhaqankii hore ahaan jiray, iyo habka raggoodu ka doonayo inay ula dhaqmaan ama u maamuusaan.
  
Saahid Qamaan iyo Qisadii afadiisa
  
Saahid Qamaan waxaa u dhaxday oori uu da’ yaraan ku guursaday oo la odhan jiray Muslimo Cali Ilyar, oo uu dhag iyo dhaban iyo hiddoba u raacay, hase yeeshee yaraanteeda awgeed siduu rabay u xaslan weyday hawshii guriga, haddii uu moddo baxnaaniyay oo wax is baddal ah uu arki waayayna waxay la noqotay inay habboonaan lahayd in reer xididkii gabadha u baddalaan oo mid kale oo ka karti badan kula xididaan.
  
Isaga oo hammigaasi hayo ayuu shax la jeexday Feetin oo ay gabadha u dhaxday qaraabo ahaayeen, wuxuuna hoosta u galiyay tix gabay ah oo uu ku garnaqsaday, kuna muujiyay dareenkiisa ah in gabadha loo dooriyo isag oo sarbeebayna wuxuu yidhi;
Gamaan kiina badan Feetinoww, Gobolba waa cayne
  • Qaar baa ka goor iyo Ka goor, Godolka daynayne
  • Qaar baa garmaamada la barin, Gaalibna aqoone
  • Gabax lagu shakaalyaw sangihi, Gaabi orodkiiye
  • Gacalnimo hadaad naga rabtaan, Go’aha noo doorsha
  • Haddii kale sidaad noo gasheen , yaa inoo Godob ah.
Hadduu yidhi kanaan dagay, Feetin ayaa hadalka la wareegay oo u jawaabay isaga oo dawgiisii oo kale maray xaajada lagu furayna badheedhihiisa ka dhiibtay, wuxuuna yidhi:
  • Hal garawsha leh bay Saahidaw, gobi la yeedhaaye
  • Horta garab waagliil waa xun yahay, la is garaaxaaye
  • Nin Gammaan yaqaan dhal waa, gaasa bixiyaaye
  • Hadduu nadigu gubo neef yar wuu, jara gariiraaye
  • Waa laba gu’ iyo dayr jir, aan fuullankeed geline
  • Waa kaa gankeedii guryaha, looga caws guriye
  • Maxaad nagu geleysaa hadaad, Fuulmo garan weyday ?
Saahid haddii ay talo ku caddaatay oo uu garwaaqsaday in laga garjoogo waxay kula dhammaatay inuu afadiisa agabarto wixii uu ka rabana afkiisa ugu sheego isaga oo ugu guntaya eray suugaaneed ay xafidi karto oo aan kalumeynin, waxayna taasi ugu muuqatay inay uga hawl yartahay inuu iska sii daayo mid kalena baadi gobo; maxaa yeelay dhibka uu ka sheeganayaa waa mid la xallin karo oo da’du keentay, geelna laba jir soo wada mar , haddiise uu maanta mid kale isku qaado yaa huba inuu wanaag kala kulmi doono ama janno gadhka darayo, sow ma dhici karto inu noqdo ninkii caga gubyada ka cararary ee dabka galay?.
  
Saahid ma laba labayn ee wuxuu isku duwday arrimihii ugu muhiimsanaa inuu afadiisa ka soxo, wuxuun ku xardhay tix oo ku soo koobay waxayaabaha uu jecelyahay iyo kuwa aanu jecleyn ee uu ooridiisa la necebyahay, bal si ay ugu tilmaan qaadato, dhaqankeedana wax uga baddasho, isaga oo hogo tusaaleynta si guud u wada oo aan si gaar ah farta ugu fiiqaynin wax iyada ka khaldan.
  
Muslimana waxaa la sheegay inay si fiican ugu dhaqantay waanadiisii ilaa ay noqotay mid dumar ka sheeggan, tusaalena laga dhigto, Saahidna waxaa la sheegay inuu u ducayn jiray, gabayo kalena ku ammaanay sida sharafta leh ee ay waanadiisii ka dib u maamushay ama u maamuustay.
  
Kitaabkii Saahid oo kooban
  
Saahid wuxuu gabaygiisa ku billaabay arar qurux badan oo uu xaaskiisa ugu sheegay inuu naago ka xushay raadinteedana dal dheer u maray sahanna u galay, hiddo iyo odayna u raacay ka dib markuu midab iyo muuqaal ahaan ku luga dagay.
  
Waxaadna mooddaa inuu ku talogalay inuu qalbiga xaaskiisa u furo waanada uu damacsanyahay inay qaadato; maxaa yeelay weelka marka daboolka laga qaado ayaa wax lagu shubaa, sanduuqana marka la furo ayaa wax la galiyaa, arrintanna waa mid ina rag oo dhami u baahanyahay marka uu rabo inuu haweeneydiisa wax galiyo ama arrin ka raarido, gaar ahaan marka arrinkaasi yahay wax iyada iyo hab dhaqankeeda lagu saxayo.
  
Haddii uu intaa dhaafay wuxuu sheegay inuu gabaygan uga danleeyahay inuu ku tacliimiyo, kuna baro wax badan oo ka dhiman, wuxuuna ka codsaday inay dhagaha u furto oo ay hadalkiisa dhuuxdo.
 Hordhacaas ka dib wuxuu ku billaabay arrimo khuseeya nadaafadda, wuxuuna carrabka ku dhuftay in uu xaaskiisa la jecelyahay inay si fiican isu udgiso, oogadeedana maydhiga ugu dadaasho, waliba wuxuu si gaar ah uxusay inuu isagu qof ahaan udugga jecelyahay, (waxayna ila tahay inuu eraygaas rag oo dhan u yidhi), wuxuuna ka codsaday inay uunsiga ku dadaasho, waligeedna ayna idanka dhigin, wuxuuna intaas sii raaciyay inay ilkaha cadayga ugu dadaasho, aad buuna uga dayriyay dumarka aan uduggu markay gurigooda joogaan ka soo kamkamaynin, ama uskagga iyo bacadka leh, wuxuuna ku sheegay inay kuwa noocaas ahi yihiin inan gumeed! Quus buuna ka muujiyay inay naftooda hagaajiyaan mar haddiiba ay ubad yeeshaan.
Ka dib wuxuu muujiyay inuu necebyahay in xaaskiisa la arko iyada oo aan ilwaad quruxsanayn ama uusan sha’ni ka muuqan markii gurigeeda loogu yimaaddo, waliba wuxuu u sheegay in reer tolkii iyada shirrabi doonaan oo ay adyad iyo agabar naagood ula iman doonaan, maalintaa haddii aan haybad wacan lagu arkinna ay geeri xaggiisa ka tahay.
  
Dabadeedna wuxuu ka hadlay sida ay aqalka u ititibin lahayd, wuxuuna u sheegay inay ceeb tahay in gurigu xero geel noqdo, wuxuuna kala dardaarmay inay si fiican isaga habayso, iskuna aaddiso, haddiiba ay dhisaysana inay ila xidhkiisa si wacan u agaasinto, iyada oo ku tala galaysa inuu nin marti iyo mudaneba leh yahay, ee ayna kaligiis ku itaalin ama la ekeysiinin.
  
Ka dib wuxuu si faahfaahsan uga hadlay qaabkii ay u maamuli lahayd haddii marti soo gab tidhaahdo ama uu ardaaga dad ku xil leh keeno, isaga oo farta ugu fiiqay in xaajadu ku habbantahay inay il garto oo uusan u baahan inuu afkiisa ula boxo ama ku tannaagoodo naa martida wax ha loo keeno! Isaga oo u duur xulaya in haweentu ku fiicantahay inay ninkeeda dareenkiisa taqaanno waxa uu rabo iyo wax uu dhibsanayaba; maxaa yeelay naag dammani kaa dhimatay.
Wuxuuna si gaar ah uga dardaarmay haddii reer tolkii gurigiisa wax soo moodaan isaga oo aan joogin inaan afadiisa sooryo xumo lagaga caban ama ayna cudurdaar ka dhiganin raggu meel fog bay dageen oo lama garanaynin, isaga oo sheegay in xishoodka iyo in guriga kaadkiisa laga fogaado ay xaajo gobeed tahay, guud ahaanna wuxuu u sheegay inaan islaan martiyay ka anfoco waayin, wuxuuna hooriskaas ku soo ebyay : naagaa ugaaslehe ururi waayeelka.
Hadalkaas hore wuxuu raaciyay inaan dayac laga arkin oo ay hugeeda iyo dahabkeedaba isku taagto labbiskana quruxsato isaga oo ula jeeda inaan muuqaal xun laga qaadanin ama la male awaalin inay basari boodhka kamakacdo ah tahay.
  
Ka dib wuxuu kala hadlay inay edabsato oo aan qayladeeda tarsiyada kale laga soo maqlin, wuxuuna u tilmaamay inay si taxaddar leh odhaahdeeda u gudato oo ayna noqonin kuwa uu ku sheegay inay yihiin ibliis daran oo ah kuwa qayliya, xagga socodkana wuxuu u sheegay inay aasheed gaanbiso oo ayna balaslaynin.
Haddii labadooda khilaaf soo dhexgalo wuxuu u sheegay inay habboontahay inaan la ogaanin, gaar ahaan haddii uu u gacan qaado isaga oo is leh toosi inayna afka furanin oo uubateynin si aan reeruhu u maqlin, wuxuuna intaas u raaciyay inayna umlin ama cadho ku raagin isaga oo u sheegay inay arrintaasi calaamad u tahay naagta xun
Gabagabdii wuxuu Saahid sheegay in tixdiisani afeef iyo waanaba afadiisa u tahay, wuxuuna yidhi: haddii Eebbahay kugu anfici waa kitaab idile. Wuxuuna gabayga ku khatimay in haddii ay waanadaas ku intifaaci waydo oo ay sida uu rabo yeeli weydo inay isaga uga dhammaatay cid kale oo Ilaahay u bixiyaba. 
Kitaabkii oo dhan
Soo dhoweyntaas iyo bandhiggaas kooban ka dib waa kankitaabkii Saahid oo furan wuxuu yidhi:
1. Afka adari reer Ugunji iyo nimanka oodaale
2. Isxaaq irdaha Maalinguur aradka ceeldhiile
3. Abaskuul bartire reer Garaad ururka reer Kooshin
 Aw iyo ogaadeen absame amara waawaynta
4. Oodweyne reeraha ku jira nimanka Iidoora
5. Ilig iyo Awaare iyo Sheed idhanka Ceeldhiinle
6. Oolida magaalooyinkiyo arrarta Buuhoodle
7. Afartaa geryood uunka yaal idilka soomaali
8. Intaasoon ilaalda marshoon dumarna eegaayey
9. Asli midabkii leeyay haddaan adiga kaa doortay
10. oon wada anfiyey naag kaloo Odoyna kuu raacay
11. Ardo iyo sidii macalin baan kuu af barayaaye
12. Naahoy aan eraya kuu dhigeee maqal dhaahdayda
13. Ma udgoona naag ina gumeed  uudna shidan mayso
14. kol haddayba ubad yeelatana lagaba aayuusye
15. afka iyo ilkaa rumayga mari oo indhaha kuulo
16. arwaaxaaga oogada biyaa abid ha moogaynin
17. uskag naag le waa necebnehee yuusan kugu oollin
18. nin udgoonka jecel baan ehee uunsiga ha daynin
19. Kolla haddaadan iga maarmahayn idan ha moogaanin
20. Haddii inan la guursado tolkay waw abtiriyaaye
21. ilaaq iyo waxay kuula iman agabbar naagoode
22. Afarta hilqadood iyo muriyad aqalka kuu taala
Aradbaxa asliga kuusha iyo xidha alaabtaada
Adigoon ilwaad quruxsanayn yayna kuu imanin
23. Aqalkiyo ardaagiyo qoryaa ilinta aad joogto
24. aqlibiyo awaare isku kacay sidatan geel ooddi
25. yuusan kaa ahaanine kurtiis ha isku awdnaado
26. isku iditib oo wada adkee ilaxidhkaan jiifo
27. hana igu itaaline ka yeel meel ergada deeqda
28. Ilma-adeeraday iyo kuwaan oday wadagayney
29. niman urursanoo ila fadhiya haw irdha la’aanin
30. uurkaygu suu damacsan yahay aniga oon sheegin
31. aqligaa wax lagu fiiriyaa garo ixtaajkayga
32. Ammin gaabtay aaskoo dam yidhi niman aguugaaya
33. meeshay adduunyadu martiyo adhiga foolkiisa
34. Irraday fadhiistaan oo reer galbeed kama ajoodaane
35. Arwaaxooda waa uga tudhaan Reer Ugaas-Magane
36. Dadka uma ekee yaan la odhan, lama aqoonayne
37. Anshaxooda baro haatanaa, lagu ogaysiine
38. Afarta hilqadoodiyo murriyad, aqalka kuu taala
39. Alaabtaada oo idil adoo, urursadoo qaatay
40. U tagoo ogow inay yihiin awrta bah Xawaadle
41. Anoo maqan Islaan idin martiyey, niman i aanaystay
42. Ha ku odhanin Allaa igu ogoo, aabahood ma hayo
43. Arli durugsan yay iigu iman, inaad asbaaxowday
44. Anoo aan ogayn dhuuni yay, igaga eed sheegan
45. Naagaa Ugaaslee dadkiyo, ururi waayeelka
46. Ayaan noolba tii qaylisaa, waa ibliis darane
47. irdho qaado aashaana soco, aayar haddalkaaga
48. is ogow afkaaga yasiro, edebi waa doore
49. Usha aniga oo kugu dhiftaad meela ka ilduuftay
50. hana ooyin aabow ha odhan hana ugaadhoobin
51. inaad oydid inaad aamustaa igala ay roone
52. ayaan iyo ayaan naag xun baan umulka deyneyne
53. Adoo uubatayn reero kale yaaney ku ogaanin
54.  Intaasaan afeef kuu dhigoo waano kuu idhiye
55.  Haddii Eebahay kugu anficin waa kitaab idile
  
56.  Haddii aadan aqbalin xaajadaa aan ku ogeysiiyey
 57.  Nin kaloo ilaah kuu baxshaba kala awaareynay
 Xasan Maxamad Ibraahim