Uncategorized

Gobolka Ogaden oo laga helaya Ceelal Shidaal

Jig-Jiga -Shirkad laga lee yahay dalka Canada ayaa waxay waddaa sahmin Saliida adag iyo qayraadka dabiiciiga ah ee  ka buuxa gobolka  lagu magacaabo Kilinka shanaad, ee dhulka ismaamulka Soomaalida, ee dalka Ethiopia.

Shirkadaasi ayaa shaacisay in ay ka heshay gobolka Ogaden labad fadhi oo saliida adag ah, balse horaantii waxaa sidoo kale Shirkad laga lee yahay dalka Sweden oo  lagu magacaabo Lundin Oil horay u sahmiyey dhadhiyo badan oo ay ka buuxaan salida  iyo qayraadka dabiiciga taasi oo lagu qiyaaasay ilaa in kabadan 25, 000 Sq.m,
Shirkada Lundin ayaa sidoo kale  waxa ay shaacishay in Bariga Afrika ay ka buuxaan fadhiyo badan oo shidaal ah sida, Ethiopia, Kenya iyo Puntland.
Dadka u kuur gala qayraadka dabiciga iyo shirkada shidaalka ayaa rumeysan in Bariga Afrika ay tahay nawaaxiga xiga ee caalamka diirada u saaran tahay  kuwasi oo dhawanahaan laga helaayo ilo shidaal, Albert Basin ee Uganda  ee Saliida Tullow taasi oo rajo weyn ku dhaliyey in Bariga afrika loo kuur galo.
Gobolka Ogaadeniya ayaa la rumeysan yahay in ay ka buuxaan shidaal ka badan mida ku jira Bariga dhexe.
Shirkado  ajanibi ah ee qoda saliida dabiiciga ah ayaa dhowr jeer o horay u kuu garlay sahmiyeyna gobolka Ogaden ilaa sanadkiii 1950kii, taasi ay haanani la sugaayo in laga dilaacsho cilaashaaasi.

Mohammed Ibrahim ‘Saalaxeey’

Freelance Journalist

Uppsala, Sweden 

sourse caasimadda.com